Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

General Odawaa oo ka hadlay weerarkii 19-kii February lagu qaaday madaxweynayaashii hore

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Odawaa Yuusuf Raage ayaa ka hadlay weerarkii 19-kii February lagu qaaday midowga musharaxiinta gaar ahaan weerarkii habeenkii dhacay ee lagu qaaday madaxweynayaashii hore ee dalka.

Odawaa oo wareysi gaar ah siinayay laanta afka Soomaalida ee VOA ayaa si weyn u diaafacay ciidanka waxaana uu sheegay iney bulshada Soomaaliyeed u adeegaan ciidanka Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa ka hadlay waxa lagu aamini karo ciidanka Soomaaliyeed maadama ay siyaasadda ku milmeen waxaana uu tilmaamay ineysan cid gaar ah u shaqeynin oo danaha dalka ay ka shaqeynayaan iyo amaanka guud ee Soomaaliya

“ 19-kii February wixii dhacay waajib ayey aheyd inaan talaab ka qaadno” ayuu yiri Odawaa.

Waxa uu sheegay in ay tahay mas’uuliyad saaran ciidanka iney laamaha amniga gacan siiyaan hadii loo baahdo isagoo weerar afka ah ku qaaday General Cadde oo sheegay in lala wareegay daljirka Daahsoon.

Dhanka kale waxa uu difaacay ciidamada ay dowladda ciidanka ugu daabuleyso gobalka GEDO isagoo sheegay in ujeedka yahay in xuduudaha dalka ciidanka laga howlgeliyo.

Ugu dambeyntii waxa uu sheegay in amaanka guud ee dalka ay la wareegaan ciidanka Soomaaliyeed hadii AMISOM ay dhamaato sharciyadeeda.

Muqdisho-Somalia

You must be logged in to post a comment Login