Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Go’aanka lagu kala goynayo Mudug oo soo bixiyey wixii laga cabsida qabay

Murannada socda iyo su’aalaha laga keenay sameeynta Maamul-goboleedka Bartamaha ayaa dibedda u soo saaray dhibaatooyinka maamul-goboleed dhisidda iyo baahida loo qabo in la dardar galiyo sameeynta Komishanka Soohdimaha iyo Federaalka, siday sheegayaan falanqeeyayaasha siyaasadeed iyo saamileeydu.

Oggolaanshihii bishii July ee in la sameeyo Maamul-goboleedka Bartamaha, oo baddali doona maamul goboleedka Galmudug oo ka kooban gobollada Galgaduud iyo Mudug, iyo ismari waagii siyaasadeed ee ka dambeeyay oo dhex maray xukuumadda federaalka iyo maamulka Puntland ayaa sigay inay marin habaabiyaan hannaanka federaalnimada.

Usbuucii hore, ayuu ismari waagaas ku dhammaaday wadahadallo dib-u-heshiisiineed oo labada dhinac dhex maray iyo heshiis 12-qodob ah oo dariiqa u xaadhay dib-u-eegidda iyo fulinta dastuurka federaalka ku-meel-gaadhka ah, sameeynta ciidan millatari oo loo dhan yahay iyo in doorashooyin la qabto 2016-ka, iyo arrimo kale.

Hase ahaatee, muhiimaddii ugu weeyneeyd ee laga lahaa wadahadallada dib-u-heshiisiinta — oo ahayd in heshiis laga gaadho sameeynta Maamul-goboleedka Bartamaha — ayaa keenay uun khilaaf dheeraad ah iyadoo ay labada dhinacba dib uga gurteen halkii ay markii hore taagnaayeen oo ay gobolka Mudug labo u kala qeybiyeen.

Sida uu dhigayo heshiisku, labada dhinac waxay go’aan ku gaadheen in Maamul-goboleedka Bartamaha uu ka koobnaan doono koonfurta Mudug iyo gobolka Galgaduud, halka uu waqooyiga Mudug qeyb muhiim ah ka sii ahaan doono gobolka maamul-goboleedka Puntland.

Isla markii la shaaciyay heshiiska ka dib, wakiillo ka socda maamul goboleedyada Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb iyo Ahlu Sunna wal Jamaaca (ASWJ) ayaa dood ka keenay, iyagoo sheegay inuu dastuurka federaalka ah isagu leeyahay awoodda sameeynta iyo qeexidda xudduudaha, ee aysan siyaasiyiintu lahayn.

Cabdikariim Daauud, oo culuumta siyaasadda ka dhiga Jaamacadda Muqdisho, ayaa sheegay inay xukuumadda la gudboonayd inay khaladkii hore saxdo ka hor inta aysan ku tallaabsan inay saxiixdo heshiis kale oo kii hore ka hor imanaya.

“Markii horeba waa lagu degdegay in la shaaciyo isku darka labada gobol iyadoo aan si wanaagsan loola tashan dadka gobollada deggan waayo dadka reer Puntland ee deggan Mudug waxay xaq u lahaayeen inay go’aan ka gaadhaan cidda ay raacayaan,” ayuu yiri.

“Maadaama gobol kale lagu soo darayay meel ay Puntland maamusho, waxay xaq u lahayd in lala tashado oo lagu qanciyo,” ayuu yidhi.

Heshiiskii 14-kii October waxaa sidoo kale wax aan jirin ka soo qaaday saamileeyda Maamul-goboleedka Bartamaha, oo uga jawaabay inay hakiyaan wada-shaqeeyntii kala dhexeeysay dawladda federaalka ah.

“Heshiisku wuxuu abuurayaa khilaaf iyo iska hor imaad, waxaana uu shaki kala galinyaa dadka [dega gobollada dhexe],” ayuu Madaxweynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid yiri. “Qodobbada ay labada dhinac ku heshiiyeen ma ahan kuwa u adeegaya maslaxadda dalka, wada noolaanshaha iyo dib u heshiisiinta.”

“Dastuurka ayaa cid walba ka sarreeya, madax iyo shacabba, laakiin heshiikaas waxaa uu ku xadgudbay dastuurka federaalka ah,” ayuu yidhi.

Komishanka Soohdimaha iyo Federaalka oon wali la sameeyn
Qeybdiid ayaa sheegay inay si gaar ah uga soo horjeedaan qodobka Mudug u kala qeybinaya aagagga waqooyiga iyo koonfurta.

“Qodobkaas waxa uu si toos ah uga hor imanayaa dastuurka federaalka ah, oo sheegaya in laba gobol iyo wixii ka badan ay maamul sameeysan karaan,” ayuu yidhi, isagoo sheegay in ra’iisul wasaaruhu uu adeegsaday awood aan dastuurku siin oo uu ku kala qeybiyay Mudug. “Qodobka 111-aad ayaa sheegaya in Komishanka Soohdimaha iyo Federaalku uu leeyahay awoodda qeexidda xudduudaha gobollada iyo degmooyinka, walina lama magacaabin komishankaas.”

Daauud, macalinkii culuumta siyaasadda ee Jaamacadda Muqdisho, ayaa sheegay inay la gudbooneeyd xukuumadda federaalka inay marka hore sameeyso Komishanka Soohdimaha iyo Federaalka, oo uu isagu noqdo midka qeexaya ama qeybinaya soohdimaha gobollada.

Waxaa intaas dheer, ayuu yidhi, heshiiska 12-ka qodob ah wuxuu keenayaa dhibatooyin cusub oo khuseeya Puntland oo aysan dawladda federaalku xallin karin.

“Maamul walba oo federaal ah wuxuu xaq u yeelanayaa inuu dalbado heshiis la mid ah midka ay dawladdu la gaadhay Puntland waxaana ay taasi keeni kartaa khilaaf joogto ah,” ayuu yidhi. “Heshiiskan marka la eego, waxa uu dadka Mudug u qeybinayaa qabiil ahaan iyadoo qabiillada Puntland ka soo jeeda la raaciyay dhanka Puntland sidoo kalena qabiillada koonfurta ka soo jeeda la raaciyay maamulka gobollada dhexe waayo dadka deggan ayay isku qabiil yihiin.”

“Qodobkaas heshiiska ku jira waxa uu horseedi doonaa in maamullada kalena ay dalbadaan in dawladdu ay u soo gooyso [oo maamul goboleedkooda ugu soo darto] meelaha ay deggan yihiin dadka ka soo jeeda qabiilkooda oo ka tirsan gobollada kale,” ayuu yidhi. “Tani waxay dawladda u keeneeysaa dib-u-dhac iyo khilaafaad [qabiil] sababta oo ah maamullada oo dhan waa isku xuquuq.”

Dawladda ‘oo ka caga jiideeysa’ sameeynta Maamul-goboleedka Bartamaha
Guddoomiyaha ASWJ Sheekh Ibraahim Xasan Gureeye, oo ka mid ahaa dadkii saxiixay heshiiskii lagu gaadhay Villa Somalia 30-kii July, ayaa sheegay in ay xukuumadda federaalka ah ka sugayaan jawaab ku saabsan waxa ay u baddashay heshiiskii hore loogu gaadhay in labada gobol ee Mudug iyo Galgaduud loo sameeyo hal maamul.

“Waxaan wadahadallo iyo wada xaajood la galeynaa ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha si ay u caddeeyaan mowqifkooda ku aaddan dadaallada lagu guda jiro ee maamul u sameeynta gobollada dhexe,” ayuu yiri Gureeye. “Waa wax fiican haddii ay xukuumaddu saxdo khaladkeeda, laakiin haddii ay sixi weydo, waxaan dhisaneynaa maamul aan leenahay waxaanan jareeynaa xiriirka aan la leenahay xukuumadda.”

Gureeye ayaa sheegay inay saamileeydu goor horeba bilaabeen inay wadatashiyo sameeyaan oo ay damacsan yihiin inay horay ugu dhaqaaqaan qodobadii heshiiskii hore.

Dhiniciisa, Madaxweynaha Galmudug Qeybdiid ayaa yidhi, “Kama noqoneeyno go’aankeenna. Waa mas’uuliyad xukuumadda saaran inay wax saxdo sababtoo ah annaga waxaan ku taagan nahay dariiq sax ah. Odayaasha dhaqanka iyo dadka deegaannada ayaa go’aanka iska leh.”

Si walbaba ha ahaatee, xukuumadda federaalka ah ayaa sheegtay in ujeeddada laga lahaa heshiiska ay la gashay Puntland uu ahaa in dib loo bilaabo xidhiidhkii kala dhexeeyay Puntland.

“Waan soo dhoweyneynaa heshiiska, waxaanan u mahad celineynaa cid walba oo ka qeyb qaadatay dadaallada wax lagu dhisayo,” ayuu yidhi Maxamed Keynaan, oo ah agaasimaha warfaafinta ee Xafiiska Madaxweynaha, isagoo sheegay inkastoo horumar laga gaadhay dib-u-dhiska Soomaaliya dhowrkii sano ee la soo dhaafay ay haddana jirto hawl badan oo qabasho u baahan.

“Waxaa laga shaqeeynayaa sidii loo dhisi lahaa komishannada xudduudaha, federaalka, iyo doorashooyinka,” ayuu yiri. “Kuwani waxay u saamaxayaan dawladda federaalka inay maamullo federaal ah ku dhisto hannaan wadatashi.”

Laakiin Keynaan wuxuu sidoo kale ka gaabsaday inuu faallo dheeraad ah ka bixiyo cabashooyinka saamileeyda gobolka bartamaha iyo khilaafka ka abuurmay heshiiska dhex maray Puntland iyo dawladda federaalka ah. cheap tadalafil, buy lioresal online.

You must be logged in to post a comment Login