Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Golaha Ammaanka QM oo ku dhawaaqay taageero muhiim ah oo la siiyo DF Somalia

War qoraal ah oo ka soo baxay golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa lagu cambaareeyay weerarkii dhawaab Shabaab ay ku qaaday xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale warka qoraalka ayaa lagu ammaanay doorkii ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka qaadeen weerarkaas in laga hortago.

Waxaa kaloo goluhu uu codsaday in la taageero dowladda oo gacan laga siiyo siddii ay u yeelan lahayd ciidan awood badan leh oo iska difaaca kooxaha argagixisada ah.

Golaha ayaa sidoo kale isku raacay in dowladda Soomaaliya lacago laga siiyo qasnada QM taasoo horrey loogu saxiixay heshiis tirsigiisu ahaa 2125 sidda lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay golaha ammaanka Qaramada Midoobay.

Ugu dambeyn golaha ammaanka QM ayaa hoosta ka xariiqay in ay taageero hiil iyo hooba la garab taagan yihiin dowladda fedaraalka oo dagaallo xooggan kula jirta Al-Shabaab.

Hadalka golaha ammaanka QM ayaa ku soo aadaya iyadoo toddobaadkii horre weerar lagu qaaday xarunta looga arrimiyo dalka ee Villa Somalia
Viagra Jelly online, zithromax online.

You must be logged in to post a comment Login