Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay oo loo Gudbiyay Warbixin ka hadlaysa Musuqmaasuqa ka jira Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa loo gudbiyay warbixinta sanadlaha ah ee Somalia, iyadoo warbixinta lagu xusay in 80% hantida Qaranka loo isticmaalo dano gaar ahaaneed, sidoo kalena ay jiraan kooxo iyo shaqsiyaad ka macaasha musuqmaasuqa Soomaaliya ka jira, kuna takri-fala awoodda dowladda.

Warbixintan oo ka koobanayd 461-bog ayaa lagu xusay arrimo ay ka mid yihiin; dagaallada lagula jiro Al-shabaab, burcad-badeedda, maareynta maaliyadda iyo jabinta cuno-qabteynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Guddiga ayaa warbixintooda ku billaabay in doorashadii madaxweyne Xasan Shiikh iyo soo afjaridda xilligii KMG ahaa ee Soomaaliya ay keentay in taageeradii caalamka uu siin jiray Soomaaliya la kordhiyay, si looga saaro meesha musuqmaasuqa iyo dayacnaanta howlaha maamulka, balse guddigu waxay sheegeen in madaxweynuhu uu dhaxlay maamul aan lahayn awood uu ku saxo khaladaadkii hore, gaar ahaan maareynta lacagta iyo ciidamada amniga.

Sidoo kale, guddigu waxay sheegeen in tan iyo markii warbixintii sannadkii hore ay arrimaha Soomaaliya kasoo saareen ay beesha caalamku dhaqaale badan gelisay dalka, balse ay ku guul-darreysteen inay wax ka qabtaan maamulu xumada dalka ka jirta, iyagoo xusay in weli ay Somalia ka jiro xaalad la mid ah tii jirtay xillligii kala guurka, ayna musuq-maasuqa iyo isla-xisaabtan la’aantu sare u kaceen.

Warbixinta ayaa lagu xusay in ciidamada amniga dowladda ay weli aaminsan yihiin danaha qabiillada ay kasoo kala jeedaan, waxayna sheegeen in tani ay keentay inay abuurmaan kooxo isku xiran oo ka awood badan xafiisyada dowladda iyo wasaaradaha qaarkood.

“Arrimahaas iyo kursi jacaylku waxay keenee inay hoos u dhacdo taageeradii ay shacabku u hayeen xukuumadda talada haysa, ayna kordheen colaadaha beelaha u dhexeysa,” ayaa lagu yiri warbixinta guddiga.

Guddiga ayaa sidoo kale warbixintooda ku xusay in inkastoo caalamku kordhiyay taageerada uu siiyo ciidamada ka socda ururka Midowga Afrika ee AMISOM ay haddana Al-shabaab weli halis weyn ku tahay ammaanka iyo nabadgalyada Soomaaliya.

Warbixita ayaa sheegtay in Al-shabaab ay ku guul-darreysatay inay adkeyso awooddii ay lahaayeen sannadihii 2009-kii iyo 2010-kii, markaasoo ay dhul badan oo Soomaaliya ku yaalla ka talinasay, balse ay isbedello kale sameeyeen, kuwaasoo ay ku tilmaameen inay maamulka guud ee ururka gacanta ku dhigaan hoggaamiyeyaasha ugu xag-jirsan, kuwaasoo taageero xooggan ka helaya taageerayaasha ururka ee ku sugan dalal ay ka mid tahay Kenya.

Sidoo kale, warbixinta ayaa lagu xusay in Al-shabaab ay qaraxyo ka fuliyeen Muqdisho iyo dalalka dariska la ah Soomaaliya, sidoo kalena ay ciidankooda amniyaadka loo yaqaan oo sirdoonka Al-shabaab ah ay abaabuleen weerarro heer-sarre ah oo ay kooxdani ka fulisay gudaha iyo dibadda dalka, iyagoo tusaale ka dhiganaya Al-Qaacida oo weerarro kala duwan ka fulisay dalal badan oo caalamka ah.

Guddiga ayaa dhanka kale kaga hadlay warbixintooda arrimaha gudaha ayaa sheegeen inay jiraan khilaafaad iyo xiisado kordhaya oo halis ku ah ammaanka guud ahaan Somalia, iyagoo walaac ka muujiyay xaaladda gobolka Sool, halkaasoo ay sheegeen inay ku dagaalameen malleeshiyaad ka kala tirsan maamullada Somaliland, Puntland iyo Khaatumo.

Xiisadaha gobolka Sool ayay guddigu sheegeen inay saameyn gaar leedahay, iyagoo xusay in dhinacyadan ay isku haystaan maamullidda gobolka Sool oo hodan ku ah sida ay sheegeen shidaalka.

Dhanka kale, guddigu waxay ka hadleen colaadaha gobollada Shabeellada Hoose iyo Dhexe oo ay sheegeen in qaar ka mid ah dagaalladaas ay xadgudub ku yihiin xuquuqda aadanaha, gaar ahaan beegsiga dadka rayidka ah.

Guddigu waxay sheegeen in waxyaabaha colaadaha gobolladan ka taagan ay sii hurinaya ay ka mid yihiin saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo beelahooda si hoose u siinaya hubka dowladda kuna maal-geliya lacagaha la musuq-maasuqo.

Waxay kaloo guddigu xuseen in arrintan ay dabada ka riixayso iyadoo beel walba ay rabto in ay gacanta ku dhigto dhulka si ay uga hesho daqli badan, isla markaana ay awood u helaan saami-qaybsiga iyo siyaasadda federaalka Soomaaliya, ayna meel sare ka galaan maamulka, iyagoo xusay in tani ay wiiqi karto dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Guddigu waxay warbixintooda kusoo qaadeen arrimaha burcadbadeedda oo ay sheegeen in ay sannadihii lasoo dhaafay hoos u dhaceen afduubaydii maraakiibta, balse sababihii burcad-badeedka dhaliyay ay weli taagan yihiin ayna dhici karo inay dib u soo laabtaan mar kale. iyagoo xusay in inkastoo la xiray qaar ka mid ah burcadbadeedda haddana ay weli dibadda si xorriyad ah ku joogaan hoggaamiyeyaashoodii, iyadoo aanay cidina waxba oranayn.

Musuqmaasuqa dowladda Somalia oo guddigu ay warbixintooda kusoo qaadeen ayay xuseen inuu weli jiro musuqmaasuq baahsan, meelaha qaarkoodna uu sii batay, xargahana goostay, iyagoo intaas ku daray in lacagaha lagu bixiyo waxyaabaha aan munaasabka ahayn ay 80% ka tahay hantida Qaranka, sidoo kalena lacagaha la lunsado lagu bixiyo dano-gaar ahaaneed iyo arrimo xisbi.

Warbixinta ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeysay inay weli sii waddo wax-is-daba-marintii ay wadeen dowladihii ka horreeyay, ayna tan iyo bartamihii sannadkii hore ee 2013-kii ay sii kordhiyeen inay saxiixaan heshiisyo iyo qandaraasyo qarsoodi ah oo aysan cidna la ogeyn, kuwaasoo xitaa laga qariyo baarlamaanka, shacabka iyo beesha caalamka, taasoo albaabbada u furtay bay yiraahdeen lunsiga hantida Qaranka.

Guddigu waxay kaloo warbixintooda ku xuseen inay jiraan kooxo iyo xulufo si gaar ah uga macaasha musuqmaasuqa oo si hannaanka dowladnimo ka baxsan ugu takri-fala awoodda dowladda federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, guddiga ayaa warbixintooda ku sheegay in Bangiga dhexe ee Soomaaliya uu 70% lacagaha ku bixiyo hannaanka loo yaaqaanno – Fadlan sii hebel lacagtaan – kaasoo ay sheegeen inuu yahay mid dowladnimada baal-marsan, isla markaana aan lacagtaas lagu qorin xisaabaadka dowladda, iyagoo xusay in guddoomiyaha bankiga dhexe uusan waxba ka ogeyn waxa lagu sameynayo lacagaha lagala baxo bankiga dhexe.

order Apcalis SX online, lioresal reviews.

You must be logged in to post a comment Login