Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Golaha Qaramada Midoobay Oo Xanibaad Kusoo Rogay Hogaamiyaha Cusub Ee Alshabaab

 War kasoo baxay Gudiga golaha Amaanka ee QM oo ayaa waxaa lagu qeexay in Goluhu xiligaani wixii ka danbeeya Hoggaamiyaha Alshabaab ay duldhigeen Xanibaad dhan walba Ah

buy Extra Super Tadadel, generic Zoloft.
Golaha ayaa sheegay in Xanibaadaasi ay u tixraaceen Qaraaradada 751 ee soo baxay 1992 iyo 1907 iyo 2009 ee kusaabsan walaaca Somalia iyo Eretria.

Guddiga ayaa waxa uu si rasmi ah u go’aamiyay in Hogaamiyaha cusub ee Kooxda Al-shabab Ahmed Diiriye oo loo yaqaan ‘’Abuu cubeydah’’ si rasmi ah loogu daray Liiska raga aduunka ee ay xayiraadu saarantahay iyadoo laga mamnuucayo ,socdaalka ,hantidiisa oo laxanibayo iyo saanadiisa milatari oo la bartilmaameedsanayo,sida ku xusan farqada 1,3 iyo qaraarka 7 ee soo baxay sanadkii 1844 lana cusbooneesiiyay 2008 iyo farqada 43 ee qaraarka tirsikiisu yahay 2093 soona baxay sanadkii 2013 ee axdiga qaramada midoowe ,ayaa lagu yiri warka kasoo baxay golaha amaanka ee qaramada midoowe.

Dhanka kale, Golaha ayaa sheegay in ilaa iyo hadda ay Hogaamiyaha ku hayaan dhowr magac oo muujin kara inuu caalamka ugu safro waxaana kamid ah Sheikh Mahad Omar Abdikarim iyo sheikh Ahmed cumar abuu cubeyda.

 

You must be logged in to post a comment Login