Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Golaha wasiirrada oo ayidday heshiiskii maamulka seddexda gobo

Golaha wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho caawa ayaa soo dhaweeyey heshiiskii shalay Muqdisho lagu gaaray ee lagu taageeray dhisidda maamulka KMG ah ee saddex gobolka Koonfur galbeed Soomaaliya.

Shirka Golaha wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee caawa waxaa shir guddoominayey Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed, waxaana looga hadlay heshiiskii Muqdisho shalay lagu kala saxiixday ee lagu mideeyey dhinacyadii isku hayey maamul u sameynta Lixda iyo seddexda gobolka ee Koonfur galbeed, golaha wasiirrada ayaa ayiday heshiiskaasi, waxaana la isku raacay in la dhiso guddi farsamo oo dadajiya dhisidda maamulka seddexda gobo lee Shabeellada Hoose, Baay iyo Bakool.

Shirka Golaha Wasiirrada markii uu soo dhammaaday ayaa waxaa warbaahinta Qaranka faah-faahin ka siiyey Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Khaalid Cumar Cali, waxa uu sheegay in Xukuumadda ay ayidday heshiiskii Muqdisho lagu gaaray ee lagu taageeray dhisidda maamulka KMG ah ee saddexda gobo lee Koonfur galbeed Soomaaliya, kaas oo uu sheegay in uu ka turjumayey Midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Wasiir Khaalid Cumar Cali, ayaa yiri “Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxey ka shaqeyneysaa sidii si cadaalad ah ay wax ugu wada qeybsan lahaayeen dhammaan dadka Soomaaliyeed ee degan saddexda gobol, waxa uu intaa sii raaciyey in u jeedadu tahay sidii loo gaari lahaa hammi dib u heshiinneed oo wadajir ah.

Sidoo kale Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, ayaa tilmaamay in lagama-maarmaan ay tahay in loo hoggaansamo heshiiskii dhinacyadii is hayey lagu xaliyey ee Muqdishio ka dhacay 23-kii Bishan June, “waxaan ugu baaqayaa in Ummadda Soomaaliyeed ay u midoobaan sidii ay u wadaagi lahaayeen kheyraadkan tirada badan ee dalkeenna uu leeyahay” ayuu intaasi sii raaciyey.

Shirka Golaha wasiirrada Soomaaliya ee caawa Muqdisho ka dhacay, waxa qeybtiisa dambe looga hadlay arrimaha ammaanka iyo dadaallada lagu xoojinayo xasilinta ammaanka iyo Istaraatiijiyadda amniga ee Bisha barakeysan ee Ramadaan ee magaalada Muqdisho iyo gobollada gacanta dowladda ku jira. buy Kamagra, buy Zoloft.

You must be logged in to post a comment Login