Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Golaha wasiirrada oo kulan looga hadlay amniga xalay ku yeeshay Muqdisho

Super Tadarise online, buy clomid online.
Golaha wasiirrada ayaa kulan ballaaran oo looga arrinsanayay ammaanka dalka xalay ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Shirkan xalay ka dhacay xafiiska R/wasaraha ayaa waxaa ka qeybgalay saraakiisha hey’adaha amniga, kuwa difaaca qaranka iyo AMISOM, iyadoo kuankaasi uu shir gudoominayay ku simaha R/wasaaraha ahna wasiirka amniga Qaranka Khaliif Axmed Ereg.

ujeedada shirkan ayaa aheyd sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya dhamaan ciidamada qalabka sida iyo kuwa AMISOM, iyo in la dejiyo qorshaha lagu xasilinayo deegaannadii ugu dambeeyay ee laga xoreeyay maleeshiyaadka Al-shabaab.

Shirkaasi oo saacado badan qaatay kadib ayaa waxaa warbaahinta la hadlay taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Maxamed Xasan Ismaaciil oo sheegay in shirkaasi looga hadlay arrimo la xiriira ammaanka dalka.

Taliyaha ayaa xusay in qorshaha ay ku jirto sidii magaalada Muqdisho looga dhigi lahaa meel ka caaggan falal amnidarro, isagoo tibaaxay in arrintaasina ay si wada jir ah uga shaqeyn doonaan dhamaan ciidamada qalabka sida iyo kuwa AMISOM.

“Waxaan qorsheeysanay in dhulalkii laga xoreeyay nabad diidka dhamaan aan si qurux badan aanu nabadgelyadiisa u sugno, in la sii wado xoreynta dhulka inta ka dhiman ee nabad diidku heysto iyo si deg deg ah loo gaarsiiyo ciidanka nabadugidda, booliiska iyo maamulladii dhulalka la xoreeyay” ayuu yiri Gen, Maxamed Xasan Ismaaciil.

Arrintan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay xukuumaddu ugu jirto xasilinta ammaanka guud ee dalka.

You must be logged in to post a comment Login