Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

GOS Oo Seminaar U Qabatay Maamullada Sportiga Ee Degmooyinka Gobolka J/hoose (Sawirro)

Gudiga Olombikada Soomaliyeed ee GOS ayaa magaalada Kismaayo ee xarunta J/hoose ka qabtey seminaar dhinaca maamulka Sportiga,iyadoo ay ka qeybgaleen ilaa 20 ruux laga soo kala xuley qeybaha kala duwan ee bulshada,iyo Maamullada shanta degmo ee ay ka kooban tahay Gobolka Jubadda Hoose.

Xiritaankii Tababarkan ayaa waxaa ka soo qeybgaley,agaasimaha wasaaradda dhalinyarada iyo Sportiga DFS,madaxda Sportiga ee J/hoose,ciyaartoydii hore ee Gobolka J/hoose iyo marti sharaf kale,waxaana halkaasi ka Hadley Duraan Faarax oo sharaxaad ka bixiyey hadafka ay GOS ka leedahay kor u qaadida aqoonta bulshada si loo hormariyo Sportiga guud ahaan dalka Soomaliya.

“GOS waxay isku howleysaa in horumarinta ciyaaraha tartamo iyo xag maamulba ay gaarsiiso heerka ugu sareeya,hadii ay noqon lahayd heer degmo ilaa heer gobol,waana qorshayaasha aynu horey ubalan qaadney” syuu yiri Diraan Faarax

Seminaarka ayaa waxyaabaha lagu qaadanayey ugu muhiimsanaayeen sida loo abuuro Maamulo sportiga,dejinta qorshe sanadeedka,u diyaar garowga tartamada heer Gobol ilaa heer degmo,U diyaargarowga tartamada xagga farsamo,Xag dhaqaale,dadkii ka shaqeyn lahaa,iyo kormeero guud oo ka warqaba socodka dhaq dhaqaaqaasi iwm.

Dhamaan ka qeybgalayaashii Seminaarka oo labo cisho socdey ayaa waxaa ay si weyn ugu mahadceliyeen Madaxda GOS oo tababarkaasi soo abaabushey iyo Macalinkii casharada bixinayey,iyagoo balan qaadey iney si wadajira u hormarinayaan maamulada degmooyinka ay ka kala yimaadeen ee Kismaayo,Jamaame,Afmadow,Badhaadhe iyo xagar.

1 2 3 4 6 7 8 10 11 12 13 14 Silagra online, purchase zithromax.  15 16 18 20 21 BILOWGA

 

 

You must be logged in to post a comment Login