Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Ra’iisul Wasaarha Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdon “Saacid” ayaa maanta wareegto ku soo saaray gudi ka kooban labada gole iyo iyo xiriiriye tiradooduna tahay 16 xubnood loona xilsaaray wada-xaajoodka iyo dib-u heshiisiinta Jubbooyinka.
Wafdigu waxay kaloo si hufan ugu gudbin doonaa madaxda dhaqanka iyo kuwa gobolka Jubbada Hoose siyaasadda iyo talada dawladda federaaliga ah ee Soomaaliyeed ee ku wajahan dhismaha dawlad goboleedyada federaalka ah.
Guddigaan ayaa lagu wadaa inay dhawaan u ambo baxaan magaalada Kismaayo. Guddiga ayaa waxaa gudoomiye u ah wasiir ku-xigeenka Wasaarada Arrimaha Guddaha mudane Cabdiguhaad Jaamac Axmed Moxamed (Oday), waxaana ay kala yihiin xubnaha kale ee gudigu:-
Xildhibaan, Cabdiweli Sh Ibraahin Muudey – Xubin
Xildhibaan, Xasan Macalin Maxamuud – Xubin
Xildhibaan, Maxamed Iidle Geeddi (Xerow) – Xubin
Xildhibaan, Cabdikaafi Macallin Xasan – Xubin
Xildhibaan, Maxamed Maxamud Guure – Xubin
Xildhibaan, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil – Xubin
Xildhibaan, Cabdullaahi Yuusuf Xasan (Alankey) – Xubin
Xildhibaan, Maxamed Axmed Kulan – Xubin
Xildhibaan, Samaan Maxamed Sheekh – Xubin
Xildhibaan, Cabdiwaaxid Cabdullaahi Jaamac – Xubin
Xildhibaan, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil – Xubin
Xildhibaan, Maxamed Maxamuud Ibraahin – Xubin
Xildhibaan, Cabdiqaadir Maxamed Aadan – Xubin
Xildhibaan, Luuley Cabdi Aaadan -Xubin
Mudane Aaden Ibraahim Aw Xirsi – Xiriiriye
You must be logged in to post a comment Login