Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Guddiga arrimaha dibada golaha shacabka oo ka hadlay ciidamo ay tababar u qaaaday DFS

 Jan 20, 2021

War qoraal ah oo ka soo baxay Guddiga Arrimaha Dibadda golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul ugu hadlay qaylo dhaanta maalmahan ka soo yeeraysa qaar ka mid ah waalidiinta ay caruurtooda ka maqan yihiin, kuwaasi oo ay dowladda Soomaaliya tababar ugu qaaday dalka Eritrea, xilli la sheegay in caruurta qaar ay ku dhinteen dagaalka ka dhacay waqooyiga dalka Itoobiya.

Guddiga ayaa qoraal uu u diray Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa uu kaga dalbaday inuu u caddeeyo ciidamada tababarka loogu qaaday dalka Eritrea tiradooda inta ay tahay iyo goorta ay ku soo noqonayaan dalkooda,.

Sidoo kale Guddiga ayaa sheegay inay jirto cabasho ka soo gaartay waalidiin fara badan oo carruurtooda ay la’yihiin ayna soo gaartay warar sheegaya inay ku dhinteen dagaaladii ka dhacay Gobolka Tigray ee waqooyiga dalka Itoobiya, sida lagu yiri qoraalka ka soo baxay Xildhibaan C/qaadir Cosoble oo ah Guddoomiyaha Guddigan, kana mid ah Midowga Musharaxiinta

You must be logged in to post a comment Login