Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Guddoomiye Cirfo: “Xaaladda bani’aadamnimo ee gobolku waa ka sii dareysaa”

Maamulka gobolka Galguduud ayaa ku dhawaaqay in xaaladda bani’aadamnimo ee ka jirta gobolka ay sii xumaaneyso xilli qeybo badan oo ka mid ah dalka ay ka jiraan abaaro ay dadi u dhinteen.

Guddoomiye gobolka Galguduud Xuseen Cali Wehliye “Cirfo” oo wareysi siiyay idaacadda Star Galguduud oo ku taalla Dhuusamareeb ayaa sheegay in degmooyinkii dhawaan laga saaray maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ka jirto biyo la’aan iyo raashin yari ay suurta gal tahay in dadi u dhintaan si la mid ah degmooyinka ku yaalla woqooyiga gobolka ay dad horay ugu dhintaan biyo la’aan.

Wareysigiisa ayuu ku sheegay in aysan jirin wax gargaar ah oo wali la gaarsiiyay dadka, taas oo keeni karta in xaaladdu ay ka sii darto. Dowladda, Hay’adaha samafalka iyo qurbo-joogta gobolka ayuu ugu baaqay inay gurmad deg deg ah u fidiyaan dadka gobolka ku dhibaateysan.

Wariyaha Radio Muqdisho ee Dhuusamreeb ayaa ku soo warramaya in fuustada biyaha ah ay degaannada qaar ka mareyso lacag u dhiganta toban dollar, ayadoo laga yaabo inay sare u sii kacaan.

Abaarta ayaa bilo ka hor ka jirtay woqooyiga gobolka sida Balanballe iyo tuulooyinka hoos taga halkaas oo ay dad u geeriyoodeen biyo la’aan hase yeeshee guddoomiye Cirfo ayaa ku warramaya in tuulooyinka hoos taga Ceelbuur iyo Ceel-dheer ay iminka ka bilaabatay in xooluhu ay dhintaan dadkuna ay halis ku jiraan.

Dowladda Soomaaliya ayaa bilowday olole ay gurmad ku gaarsiineyso dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool gobollada koofureed iyo kuwa dhexe ee dalka. Guddiga loo xilsaaray gurmadka ayaa raashin gaarsiiyay degaanno ka tirsan Bay, Bakool iyo Hiiraan, halka ay wali jidka ku sii jiraan deeqo loogu talo galay dadkaasi dhibaateysan. purchase zoloft, purchase Zoloft.

You must be logged in to post a comment Login