Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Gudoomiyaha Baydhaba oo xalay si dirqi ah kaga bad baaday Al-shabaab.

Xasan Macalin Axmed oo ah gudoomiyaha degmada Baydhaba ee gobalka Bay ayaa xalay si dirqi ah waxa uu kaga bad baaday ciidamada Al-shabaab ka dib markii ay weerar culus kusoo qaadeen hoygiisa.
Al-shabaab oo diyaar gareesnaa ayaa duulaan si lama filaan ah ugu soo qaaday hoyga gudoomiyaha oo ku yaala bartamaha magaalada Baydhaba waxaana halkaasi ka dhashay qasaare culus.
Ciidamada ilaalada u ah gudoomiyaha ayaa iska difaacay Al-shabaab, iyagoona ugu dambeen gurmad xoog leh ka helay ciidamo kale oo dowladda ka mid ah.
Laba ka mid ah ilaalada guriga gudoomiyaha ayaa halkaasi ku dhimatay, waxaana jirta dhaawacyo laakiin tiro ahaan ma hayno, hase yeeshee ciidamada dowladda ayaa wada howlgalo ku raad joogaan Al-shabaabkii soo weeraray.
Shacabka Baydhaba ayaa la yaab ku noqotay in Al-shabaab ay soo galaan gudaha magaalada Baydhaba walibana si aan cabsi lahayn ay kusoo weeraraan hoyga uu degan yahay gudoomiyaha magaalada Baydhaba.
Somalinimo1.com
Beydhabo, Soomaaliya
info@somalinimo1.com

You must be logged in to post a comment Login