Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Gudoomiyaha Marka oo Ku Faanay in uu La Xifaaltamay Wasiiro ka Tirsan Dowlada, Sheegayna in uu Diiday…

Malegra FXT online, generic lioresal. Guddoomiyaha Magaalada Marka Maxamed Cusmaan (Yariisoow) ayaa sheegay inuu diiday la kulanka Wafdigii Wasiirada ahaa ee shalay Deegaanka Ceel-jaale kula kulmay Odayaasha Beesha Biimaal kasoo jeeda.

Yariisoow oo la hadlay Idaacada Kulmiye ayaa ku sheegay sababta uu udiiday inuu la kulmo Wafdiga Wasiirada in la laayayay shacabkii Magaalada Marka, isagana la qabsaday xafiiskiisa oo si xoog ah loo qabsaday.

Wuxuu tilmaamay in arinta udhaxeysa labada Beelood ee Habargidir iyo Biimaal ay tahay arin waaweyn oo xalkooda hada uusan sokeyn, isaga oo tilmaamay in Odayaasha iyo Nabadoonada labada dhinac laga rabo inay xalka keenaan.

“Waxaan udiidanahay shacabkii dhan ayaa barakacay umadii dhan ayaa barakacday xafiiskeygii ayaa la qabsaday oo umadii walaalaheyga oo deegaanka aan masuulka uga ahaay ayaa qaarna barakacay qaarna la dilay kufsi iyo barakac ayaa dhacay in aan la kulmo taas ayaa iidiiday”Ayuu yiri Guddoomiyaha Magaalada Marka.

Guddoomiyaha Magaalada Marka Maxamed Cusmaan (Yariisoow) ayaa dhanka kale sheegay inaysan jirin cid uu kala hadlo arimaha Gobalka, maadaama buu yiri shacabkii aan masuulka ka ahaa la qaxiyay qaarna la dhibaateeyay.

Wasiirka Gaashaandhiga Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Wasiir kuxigeenka Wasaarada arimaha gudaha C/raxmaan Maxamed (Bankax) iyo Guddoomiyaha Guddiga Dib heshiisiinta Qaranka ayaa shalay tagay deegaanka Ceeljaale duleedka Magaalada Marka, halkaasi oo ay kula kulmeen Odayaasha Beesha Biimaal.

Maanta ayaa lagu wadaa in sidoo kale ay la kulmaan Odayaasha ku nool Magaalada Marka wafdiga oo ay kala hadlaan sidii xal loogu heli lahaa xiisada Shabeelaha hoose ka taagan.

You must be logged in to post a comment Login