Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Gudoomiye kale oo xilka laga qaaday

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho General Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa wuxuu xil ka qaadis ku sameeyay Gudoomiyihii Degmada Xamar Weyne C/laahi Ibraahim Sahal (Gardhuub).
Gardhuub, ayaa xilkaan soo haayay muddo ka badan 10 sanadood, waxaana markaan loo baahday in isbedel lagu sameeyo, si uu qayb kaga noqdo isbedelada uu Duqa Magaalada Muqdisho ku sameynaayo Maamulada ka jira Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Duqa Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu xilkaan u magacaabay C/qaadir Maxamed C/qaadir (Carab), oo bishii Maarso uun dalka dib ugu soo laabtay, kadib muddo sanado ah oo uu ku sugnaa Khartoum.

You must be logged in to post a comment Login