Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Halkee ayuu maraayaa wadahadalka u socda saraakiisha dowaldda ee Bakool iyo Muktaar Rooboow Mansuur.

Waxaa maalmahaan dambe jiray wada hadal u dhaxeeyay saraakiisha, maamulka dowladda ee gobalka Bakool iyo Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur, kaa oo hadda meel xasaasi ah maraaya.
Mukhtaar Rooboow waxa uu si toos ah uga biya diiday inuu dowladda kusoo biiro isaga oo sheegay in uu ku quus qaatay wixii qabsaday Sheekh Xasan Daahir Aweys, laakiins dowladda uu heshiis la galaayo.
Waxaa la isla gartay in ciidamada Mukhtaar Rooboow aanay ka qeyb qaadan dagaalada lagula jir ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, iyadoona taa ay meel martay.
Taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay in sidoo kale ay jiraan balan qaad ah in si isku mid ah ay u dagaalamaan ciidamada dowladda iyo kuwa mukhtaar Rooboow ayna la dagaalamaan ciidamada hogaamiyaha Al-shabaab.
Dowladda ayaa u muuqanaysa mid aad uga faa’ideysanaysa khilaafka ka dhex taagan saraakiisha Xarakada Al-shabaab ee ku sugan Soomaaliya, iyadoo qaarkood ay kala carareen.

You must be logged in to post a comment Login