Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Hargeysa:Dhallinyaro Ka Baxay Diinta Islaamka Oo Qaatey Diinta

Hargeysa:Dhallinyaro Ka Baxay Diinta Islaamka Oo Qaatey Diinta Kiristanka,Xaafadaha Ay Deganaayeen,Cidda Lacagta Siin Jirtey Iyo Hawlgalkii Ciidamada CID-da Somaliland+Is-Rasaaseyn

Super Tadarise buy online, clomid without prescription.

Hargeysa:Dhallinyaro Ka Baxay Diinta Islaamka Oo Qaatey Diinta Kiristanka,Xaafadaha Ay Deganaayeen,Cidda Lacagta Siin Jirtey Iyo Hawlgalkii Ciidamada CID-da Somaliland+Is-Rasaaseyn 

 

 

 

Hargeysa-(SLL)-Dhacdo layaable oo naxdin badan ayaa laga dareemey gudaha magaalada Hargeysa,Waxaa magaalada hargeysa lagu arkey tiro dhallinyaro oo kabaxay diinta islaamka,kuwaasi oo la sheegey inay qaateen diinta KIRISTAANKA,tirada dhallinyaradan ayaa lagu sheegey in kabadan toban qof oo isugu jira wiilal iyo gabdho.

Dhallinayaradan ayaa sida la sheegey ku noolaa degmada 26-ka June ee magaalada Hargeysa,gaar ahaan xaafadaha Xawaadle iyo Jigjiga yar ee magaalada Hargeysa.

Dhallinayradan ayaa waxaa lacag ku bixinayey inay diinta islaamka ka baxaan nin iyo naag caddaan ah oo ka soo jeeda assal ahaan dalka Denmark,waxaana ay u kireeyeen aqallo ku yaalla xaafadaha 150-ka iyo Jig-jiga yar iyada oo sida la sheegey loo iibiyey gawaadhi qaaliya oo kala duwan.

Wakaaladda wararka Somalilandlive Media oo telefoonno kala duwan kula xidhiidhey dad ku sugnaa xaafadaha ay deggan yihiin dhallinyaradan ayaa u xaqiijiyey inay dhallinyaradaasi ay qaateen diinta KIRISTAANKA.

Waxaana ay wararku sheegayaan in dhallinyaradani ay jidkoodu ku dul qoreen astaanka kiristaanka ee karooska loo yaqaano ama baatuunka.

Ciidamada CID-da Somaliland oo baadhitaanno kala duwan ku hayey iyo dabagal dheer dhalinayradan ayaa sida la sheegay hawlgal iyo dabagal ay ku hayeen dhallinyaradaasi ka baxdey diinta ISLAAMKA, xilli ay dhallinyaradani marayeen xaafadda 150-ka ee magaalada Hargeysa ayaa mid ka mid ah dhallinyaradu uu baastoolad ula soo baxay ciidankii booliska ee daba galka ku hayey,kaddibna askari ka mid ahaa ciidankii daba galka ku hayey ayaa kaga horreeyey xabbada oo dhaawacey ninkii dhallinyaradan ahaa.

Waalidiinta dhallinyaradan ee dhaley hablaha iyo wiilasha ee ka baxay diinta islaamka ayaa faraha ka qaadey ubadkoodan diinta islaamka ka baxay.

Wiilka dhaawaca ah ayaa lagu daaweynayaa cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa.

Ma jirto cid ka hadashey oo ka tirsan mas’uuliyiinta dawladda dhacdadaasi,waxaana socda baadhitaanno iyo su’aalo la weydiinayo dhallinyarada intii gacanta lagu dhigey.

You must be logged in to post a comment Login