Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Haweenka Xildhibaannada ah oo doortay guddoon cusub

Published on June 9, 2014 by  clomid for sale, lioresal online.    ·   No Comments  ·   92 views

Xildhibaannada Haweenka ah eek u jira baarlamanka ayaa doortay gudoomiye iyo gudoomiye ku xigeen.

Kulanka lagu dooranayay gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka  xildhibaanada haweenka ee barlamanka ku jira  ayaa waxaa ka qeybgalay wasiir ku xigeenka wasaarada haweenka xukumada Somalia, iyo xildhibaano kale.

Doorashada ayaa waxaa ku tartamayaay laba xildhibaan oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamanka kuwaas oo kala ahaa Caasha Koosh iyo Bii Bii Khaliif,  waxaana gudoomiyaha ku guulaysatay BiiBi khaliif Maxmed  halka ku xigeenada koowaad iyo labaadna ay ku guulaysteen Maryan Macalin Isxaaq iyo Qaali Axmed Diiriye  kadib codadkii ay dhiibteen xildhibaanadii kulanka goob joogga ka ahaa.

Wasiir kuxigeenka haweenka Muno Abiikar oo kulanka goob joog ka ahayd ayaa ku dhawaaqday natiijadii ka soo baxday doorashadaasi ay sameeyeen xildhibaanada haweenaka ee baarlamanka iyadoo mas’uuliyiinta la doortay ugu hambalyeeysay xilka loo doortay.

Gudoomiyaha hawenka barlamanka ee la doortay iyo ku xigeenadeeda ayaa uga mahad naqay xildhibaanadii codkooda siiyay si ay hoggaan u sameystaan haweenka xildhibaanada ah eek u jira Baarlamanka.

Arintani ayaa dhiiri gelinaysa doorka xildhibaanada hawenka ah ay ka qaadan karaan u adeegida bulshada, waxeyna haweenkaasi ka mid yihiin gudiyada kaladuwan ee  barlamanka.

 

You must be logged in to post a comment Login