Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Hawiye cidna xoog kuma qabsan karaan

Dhageyso Maxamed Xasan Faqi:Hawiye cidna xoog kuma qabsan karee, kuwo caqli u saaxiib ah oo kuwa damaca waalan ceshada ma ku jiraan miyaa!
Madaxweyne ku xigeenka K.Galbeed Maxamed Xasan Maxamed Faqi oo maanta shir jara’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay duulaanka Sh.Hoose iyo aqoonsiga ay dowladda siiyay maamulka 3-da gobol.
Maxamed Xasan ayaa aad u dhaleeceeyay Kooxda Axmed Diiriye iyo Xaad ee sita magaca Hawiye oo sheegtay in ay iyaga ka dambeeyaan dulaanka lagu hayo dadka Sh.Hoose, waxa uuna sheegay in xilligii xoog leysku qabsan jiray uu dhamaaday laakiin ay su’aalo ka taagan tahay sababta loo waayay kuwo caqli u saaxiib ah oo kuwooda xun ceshada.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in heshiiska dhex maray labada garab ee K.Galbeed uu ahaa mid dhex maray laba maamul, ayna la heshiiyeen maamulka 6-da gobol mas’uuliyiin matala ee shakhsi eysan la heshiin.
Ugu dambeyntii Maxamed Xasan Faqi ayaa jawaab adag siiyay Goodax Bare. periactin online, buy lioresal.

You must be logged in to post a comment Login