Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Hay’ada Nabad Sugida oo Shaaca ka Qaaday in weerarkii shalay uusan hakin doonin Dagaalka ay Al-shabaab kula jiraan

Taliska hay’ada nabad sugida Soomaaliya ayaa ballan qaaday iney xaqiijin doonaan amniga magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya taliyaha hay’ada nabad sugida gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg oo saxaafada la hadlay kadib isku daygii weerar ee shalay la damcay in lagu qaarajiyo ayaa sheegay iney adkeynayaan amniga magaalada Muqdisho.
imgres
Khaliif Axmed Ereg ayaa sheegay in weerar lagu qaado aysan u hakan doonin hawsha adag ee ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed wuxuuna sheegay iney diyaar u yihiin iney u dhintaan iyaga oo u adeegaya shacabka Soomaaliyeed oo uu sheegay iney dhibaato aan yarayn ku hayaan alshabaabka ka dagaalamada wadanka Soomaaliya.
Taliyaha nabad sugida gobolka Banaadira ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka ay kula jiraan kooxda alshabaab uu yahay mid xaq ah wuxuuna dhanka kale ku tilmaamay in alshabaab ay hayaan wado qaldan oo aan sal ku lahayn diinta ay sheeganayaan,isagoona wacad ku maray iney ka dabajari doonaan magaalada Muqdisho iyo guud ahaan gobolada dalka.
Khaliif Axmed Ereg ayaa sheegay iney ka go’antahay ka hortagida cid walba oo dhibaato la maagan umada Soomaaliyeed wuxuuna ka codsaday in shacabku ay la shaqeeyaan ciidamada isla markaane hal meel looga soo wada jeesto waxa uu ku tilmaamay arxan laawayaasha baneystay iney cabbaan dhiigga shacabka Soomaaliya sida uu sheegay.

You must be logged in to post a comment Login