Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Hay’adda ICG “Al Shabaab Muruqa iyo Maalka Soomaalida Ayay Hanteen Mana Laga Adkaan Karo” Warbixin.

 Xasaaraddaha  Caalamka ee Magaciisa loo soo gaabiyo ICG ayaa warbxixin ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in Dagaalka lagula jiro Mucaaradka Soomaaliya ee AL-Shabaab uu daba dheeraan doono hadaan Beesha caalamka xal u helin dhibaatooyinka ka jira dalka Geeska Africa ku yaala ee Soomaaliya.

ICG ayaa sheegtay in hadii beesha Caalamka iyo dowlada Federaalka Soomaaliya aysan maaro u helin dhibaatooyinka bulshada Soomaaliyeed haysta oo ay ka mid yihiin isqabqabsiga ku salaysan Maamul gobaleedyadda iyo qabaaillada dalka ka jira ay adkaan doonto in laga guulayso Xarakada Shabaab ee Shabkada AL-Qaacida ku xiran.

“ Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo xulafadeeda waxaa looga baahanyay in ay qadaan talaabooyin lagu cirib tirayo Al-Shabaab iyagoo la shaqaynaya Bulshada Soomaaliyeed  isticmaalaya hanaan siyaasadeed “ ayaa lagu yiri Warbxiinta Ururka darsa Xasaaradaha  Caalamka ee ICG.

Agaasimaha Barnaamijyadda Bariga Africa u qaabilsan ICG Cedric Barnes, ayaa sheegay in uu guulaysan karo oo kaliya dagaalka lagula jiro Xarakada Shabaab hadii hanaan ku haboon loo galo lana dajiyo xiisadaha ka jira dalka Soomaaliya.

Muranka Maamulka goboleedyada iyo is-qab qabsiga bulshada Soomaaliyeed dhexdeedooda ay ICG ku micnaysay in ay hoos u dhigayaan dadalaada la doonayo in dalka lagu xasiliyo shabaabna looga guulaysto.

Wakaalada Wararka somalimedia.co.uk cheap nolvadex online, cheap dapoxetine.
Email : info@somalimedia.co.uk

You must be logged in to post a comment Login