Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Hay’adda SYPD oo guryo u dhistay 850-qoys oo ku nool Hiiraan iyo Sh/Hoose

 

Kamagra Jelly buy online, acquire Zoloft. 2014610635379809156041519mr1[1]

Talaado, June 10, 2014 (HOL) — Marka aad  kala sheekeysato qoysaska dan-yarta ah baayaha ugu darran ee dhinaca nolasha ka heysta waxa ugu horeeya oo ay kuu sheegayaan waa Hoy la’aan, taasoo kuu muujineysa muhiimada nool kasta ay u leedahay in uu hello meel ku haboon oo uu deegaan ka dhigto.

Hadaba, hay’adda SYPD oo kaashaneysa hay’adda kale ee OCHA-Somalia waxay soo gaba-gabeysay mashruuc socday mudo sagaal bilood ah oo guryo loogu dhisay 850 qoys oo ku kala dhaqan magaalooyinka Beledweyne iyo Marka oo ka kala tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha hoose.

Mashuurcan oo soo bilaawday 28-8-2013 ayaa la soo gabagabeeyay ama soo dhamaaday 28-5-2014, waxaa guryo rasmi ah oo ka sameysan Jiingad loogu dhisay 250 qoys  oo 100 ka mid ah ay ku nool yihiin magaalada Beledweyne, 150 kale ee Qoysna ku dhaqan yihiin degmada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose.

Sidoo kale, 600 oo qoys oo ku kala nool magaalooyinka Beledweyne iyo Marka  ayay hay’adda u qeybisay  agab tayo sare leh oo ay ka sameystaan guryo ku meel-gaar ah oo ka haboon kuwii ay markii hore ku noolaayeen, waxaana ka mid ah agabka la siiyay ama loo qeybiyay  Baco, Tiirar, iyo Silig marka leysku geeyo ay ka soo baxayaan guryo ku meel-gaar ah, laakiin tayo sare leh.

Marka aad dusha sare ka eegto guryahan waa deegaan ahaan waa kuwo aad u qurux badan, waxaana laga dhax-biyay jidad dhan yahay 4-mitir, halka guri walbana kan kale uu u jiro ilaa 2mt, taasoo sare u qaadeysa bilicda iyo nadaafada deegaannka guryaha laga dhisay.

Qoysaska nasiibka u yeeshay in ay hellaan guryahan ayaa siddoo kale ka faa’ideystay tababar la xiriiray siddii ay u ilaashan lahaayeen guryaha loo dhisay, islamarkaana ugu wada noolaan lahaayeen deegaannka is-ixtiraam iyo khadarin,  iyaga oo si wada jir ah uga hortaga dhibaatooyinka soo food saara.

“Waxaan barnay qoysaskan ilaalinta deegaannka, nadaafada, iyo siddoo kale ka hortaga dhibaatooyka ama xad-gudubyada laga yaabo in ay ku dhacaan, sidda ay haddii ay jiraan arrimo ammniga la xirira, kufsiga iyo xad-gudubyada kale, iyaga oo deg deg u war-galinaya maamulka deegaannka ka jira,’’ ayuu yiri mid ka mid h saraakiisha hay’adda SYPD.

Mashuurcan oo muddo dheer soo socday waxaa siweyn uga mahad celiyay qoysaskii ka faa’ideystay, waxgaradka, iyo maamulada degmooyinka laga fuliyay dhismaha guryahan oo sheegay in deegaameynta noocan oo kale ah wax weyn ka badali karto nolasha dadka dan’yarta ah.

– See more at: http://www.hiiraan.com/news/2014/Jun/wararka_maanta10-46962.htm#sthash.SUe95EFJ.dpuf

You must be logged in to post a comment Login