Heshiis laga gaaray dagaalki Galmudug

Filed under: Wararka |

Kadib Marki Shalay Deegaanka Gadoon Ee Gobolka Galgaduud uu ka dhacay Dagaal sababaya dhimashada 4 Ruux iyo Dhaawaca hal qof ayaa waxaa degan xaalada deegaankaas.

Waxaa Dagaalkaas uu u dhaxeeyay Beello walaalo ah oo wada Degan Deegaanka Gadoon, waxaana jira Heshiis Horu dhac ah oo la kala dhax dhigay Beellahaasi.

HALKAN RIIX OO DHAGEYSO COD KA

Mid ka mid ah Odayaashad Dhaqanka Ee Deegaanka Gadoon oo lagu Magacaabo Macali Xaashi ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Beelaha la kala dhax dhigay Heshiis Xabad joojin ah islamarkaana Maanta laga wada hadli doono waxa sababay xiisada gacan ka hadlaka dhalisay.

inta Badan deegaanada iyo Degmooyinka Dalka waxaa ka dhaca dagaal beeleedyo sabab Qasaaro dhimasho iyo Dhaawac soo kala gaara dhinac yada dagaalamaya iyo dad shacab ah oo aan wax lugah ku laheyn dagaaladaas.

Posted by on January 12, 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Leave a Reply