Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Hogaamiyaha Raaskambooni oo sheegay iney heshiiyeen Col: Barre Hiiraale iyo Al shabaab.

Hogamiyaha Raaskabooni balse sheegta madaxweynha Kismaayo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo la hadlay Idaacadda BBC ayaa sheegay Col, Barre Hiiraale oo ka tirsanaa ragii dhawaan sheegtay Madaxwaynaha Jubbaland isla markaana dagaal uu la galay Ciidamadda Maamulka Raaskambooni ee Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa shegay Barre Hiiraale inuu isku dhiibay Kooxda Al-shabaab isla markaana ay wada hadalo iminka u soconayaan wuxuuna hoosta ka xariiqay dhawaan inay soo bandhigi doonaan Heshiiskii dhex maray Al-shabaab iyo Col, Barre Hiiraale.
Wuxuu sheegay Sidoo kale in Qaar kamid ah ragii shegtay Madaxwaynaha Jubbaland in ay wada hadal la galan Iminka ay ku suganyihiin Magaalada Muqdisho.

Axmed Madoobe ayaa shaleey gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug isagoo uga sii gudbay magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland asiga oo sheegay hadal lagu qoslo kaas oo ah inaga Puntland ayaan ka baranaynaa maamul wanaagga iyo dhismaha maamul goboleed
Xiriir aan la samaynay Col, Barre Hiiraale oo ka tirsanaa raga sheegta Madaxwaynayaashii Jubbaland ayaan noo suura galin waxaanse idiin soo gudbin doonaa hadii uu eebe idmo marka aan Khadka Telefoonka ku haleelno.

You must be logged in to post a comment Login