Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Hogaanka Kooxda AL SHABAAB Oo Gal Guduud Isku Arkay Iyo Nuxurka Shir Ay Yeeshen

buy Viagra Super Active online, purchase clomid. Hogaanka Alshabaab ee Gobolka galguduud ayaa la sheegay inay soo qaban qaabiyeen kulan ay yeesheen madaxda Ururka Shabaab oo looga hadlayay dilkii hogaamiyaha Kooxdaasi Axmed Godane oo dhowaan Dawlada Maraykanku Weerar cirka ah Ku Khaarajisay

Sheekh Xasan Yacquub Cali Gudoomiyaha Al-Shabaab ee Gobolka Galguduud oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dilka Abuu Zubeyr uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin halganka ka dhanka ah shisheeyaha ee Somalia ka socda , waxa uuna qabaa’illada ku dhaqan Galguduud ugu baaqay in ay sii xoojiyaan taageeradooda difaaca diinta iyo dalka.

Saraakiil iyo Waxgarad kale oo kulanka ka hadlay ayaa u duceeyay Amiirka Al-Shabaab ee Duqeyn Diyaaradeed lagu dilay , waxa ayna shaaciyeen in Dagaalka Al-Shabaab kula jiraan Dowlada iyo AMISOM uu sii socon doono.

Amiirkii Al-Shabaab Axmed Godane ayaa ku dhintay Duqeyn dhawaan Diyaaradaha Dagaalka Mareykanka ka fuliyeen Gobolka Sh/Hoose, waxa ayna Al-Shabaab durba magacaabeen Amiir Cusub oo hogaanka Al-Shabaab halkeedii kasii wadaya.

You must be logged in to post a comment Login