Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Horjooge sare oo ka tirsanaa Shabaab oo isku soo dhiibay DF ee Soomaaliya

 Wararka naga soo gaaraya Degmada Luuq ee Gobolka Gedo, ayaa sheegaya in Ciidamada Amaanka ee Maamulkaasi uu isku soo dhiibay Horjooge ka tirsanaa Maleeshiyaadka Alshabaab.

Tadalis SX Soft for sale, dapoxetine reviews.

Wararku waxa ay sheegayaan in Ciidamada DF Somalia ay Horjoogahaani ka soo kaxeeyen xili uu ku sugnaa duleedka Degmada Luuq, islamarkaana uu ku hubeysnaa qoriga AK47 iyo booshashkiisa, sida laga soo xigtay Saraakiisha Ciidamada DF ee Gedo.

Horjoogahaani ayaa waxaa Magaciisa lagu sheegay Sheekh Cismaan Sheekh Maxamed oo ahaa Taliyihii Maleeshiyada Al Shabaab ee ka dagaalamaaya Degmada Diinsoor ilaa duleedka Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Isa soo dhiibida Horjoogahaani ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay Taliyaha Ciidanka Booliska ee Degmada Luuq Siyaad C/qaadir Maxamed, oo sheegay in Horjoogahaani uu isku soo dhiibay Ciidamada Dowlada ee Gobolka Gedo.

Siyaad C/qaadir Maxamed, ayaa xusay inay diyaar u yihiin inay qaabilaan ragga ka tirsan Ururka Al Shabaab, ee daneynaaya inay ka tanaasulaan mabda’a Ururkaasi.

You must be logged in to post a comment Login