Horumarkii ugu weynaa ee Dowladda Farmaajo sheegatay oo si lama filaan ah u beenobay

Filed under: Wararka |

Dowladda cusub ee madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku fashilantay caddeynta horumarkii ugu weynaa ee ay sheegtay inay gaartay intii ay xukunka heysay.

Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa dib uga laabtay arrin uu wax badan saxaafadda ka sheegay oo ahayd in dakhliga dowladda uu kordhay 90% kadib isbedel lagu sameeyay saraakiisha canshuuraha Dekadda iyo Garoonka Muqdisho oo musuq lagu eedeeyay.

Wasiir Beyle oo shalay hortegay Baarlamaanka Federaalka ayaa su’aalo badan laga weydiiyay dakhliga u soo kordhay xukuumadda, wuxuuna beeniyay inuu isagu sheegay kororsiimo 90% ah, isagoo ku cudurdaartay in hadaladdii kasoo yeeray ay farxadi ka keentay oo aanay xaqiiqo ahayn.

Wasiirka ayay ka muuqatay inuu shaqada ku cusbaa, waxaana xilligii danbe uu xaqiiqsaday in kororsiimada ka jirtay garoonka diyaaradaha iyo Dekadda ay ahayd mid xilliyeed ee aanay ahayn mid joogto ah, kadib markii ay hoos u dhaceen canshuuraha ilahaasi kadib munaasbadii ciidul fitriga.

Kororka Dakhliga dowladda ayaa ahaa waxa ugu weyn ee madaxda dowladda kaga hadlaan fagaarayaasha, sida madaxweyne Farmajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre, taasoo hadda noqotay mid laga daba tegay oo aan xaqiiqo ahayn.

Posted by on July 16, 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Leave a Reply