Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Howl-gallo lagu Burburinayay Dhismeyaasha Sharci Darrada ah oo laga sameeyay Hiliwaa-SAWIRRO

DSCF7555-466x350

DSCF7543-466x350

DSCF7537-466x350

buy Cialis Jelly, generic lioresal. DSCF7509-466x350Howl gal lagu burburinayo dhismeyaasha sharci darrada ah ee laga dhisay hareeraha waddooyinka ayaa laga fuliyay qeybo ka mid ah degmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir.

Guddomiyaha degmada Hiliwaa Maxamed Axmed Xaashi Qoslaaye iyo taliyaha ciidanka booliska degmada Gaashaanle Khaliif Ilkacase ayaa hoggaaminayay howl galkaan oo sidoo kale ay qeyb ka ahayd fulinta ammar ka soo baxay maxkamadda gobolka Banaadir oo ku saabsanaa in la soo wareejiyo guri xoog looga heystay hooyo Soomaaliyeed oo ay maxkamaddu u xukuntay.

Gudoomiyaha Gobolka banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho General Xasan maxamed Xuseen Muungaab ayaa dhawaan ku dhawaqaaday In muwaadin Soomaaliyeed aan si qasab ah looga heysan karin hantidiisa, isagoo ku dhawaaqay guddi u xilsaaran xalinta khilaafaadka dhulka ku saabsan.

Sidoo kale maamulka gobolka Banaadir ayaa furay waddooyin waaweyn oo dhismooyin sharci darro ah laga dhistay, kuwaas oo ay adkayd in ay isticmaalaan gaadiidka iyo dadweynuhu, tallaabadaasi waxay qeyb ka tahay dib u soo celinta bilicda magaalada Muqdisho.

You must be logged in to post a comment Login