Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Howlgalki ugu weynaa oo Muqdisho ka socda

Ciidamada nabad sugida Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa caawa howlgalo culus oo qabqabasho ah ka wada xaafado ka tirsan degmada Xamar jajab ee gobolka Banaadir.

Howlgalkan oo bilowday maqribnimadii caawa ayaa waxaa lagu soo qabqabtay boqolaal dhalinyaro ah oo ka tirsan shacabka degmada Xamar Jajab, kuwaasoo qaarkood lagu guray gaadiid shabaqlayaal ah loona qaaday xabsiyada nabad sugida.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in howlgalkan uu xoogiisu ka socdo inta u dhexeysa labada Buundo, iyadoo ciidamadu ay joojiyeen dhamaanba socodka gaadiidka iyo dadka, waxayna gudaha ugu jiraan xaafadaha isku raranta ah ee degmada Xamar jajab.

Waxaa sidoo kale xiran goobaha ganacsiga ee ku teedsan wadada buundooyinka, waxaa meel kasta taagan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada oo aad u feejigan, iyadoo wadada lagu gooyey gaadiidka qafilan ee AMISOM.

Boqolaal shacab ah ayaa ku xayiran degmada Xamar-weyne kuwaasoo ku soo jeeday guryahooda oo ku yaalla degmooyinka Waaberi, Wadajir iyo meelo kale, waxaana dadkaas ay waayeen gaadiidkii qaadi jiray,iyadoo xitaa loo diiday iney wadada lug ku soo maraan, dad kale oo ku sii jeeday dhinaca degmada Xamar weyne iyo xaafadaha ka shisheeya ayaa iyana ku xaniban dhinaca kale ee wadada.

Howlgalkan oo ah mid aad uga duwan howlgaladii hore ayaaney illaa hadda faahfaahin ka bixin saraakiisha ciidamada, wuxuuna ku soo aadayaa xili todobaadyadii la soo dhaafay ay Muqdisho ka dhaceen weeraro ismiidaamin ah oo dhimasho iyo dhaawac badan sababay. legal buy clomid online, buy zithromax. Silvitra tab no rx, buy Zoloft online order Tadalis SX Soft online, buy Zoloft online. .

You must be logged in to post a comment Login