Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Kenyaan lagu dilay Gaalkacyo iyo Dad la qabtay

Howlgallo ballaaran ayaa Saakay waxaa ay ka socdaan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug kadib markii Xalay halkaasi lagu Dilay Macalin Kenyaan ahaa halkaasi wax ka dhigayay.

Ciidamada amaanka ee Magaalada Gaalkacyo ayaa gacanta ku soo dhigay ku dhawaad 10 Ruux sida la sheegay kuwaasi oo lagu tuhmay Dilka Macalin Kenet oo u dhashay Dalka Kenya oo Xalay Kooxo hubeysan ay ku Dileen Waqooyga Magaalada Gaalkacyo.

Waxaa wali Xaafado ka tirsan Magaaladaasi ka socda Howlgallo dhanka amaanka oo ay sameenayaan Ciidamada amaanka qaabilsan ee Maamulka Magaalada Gaalkacyo iyadoona Saraakiisha ay balan qaadeen in gacanta lagu soo dhigayo Kooxihii falkaasi ka dambeeyay.

Howlgalladan dhanka amaanka ah ayaa waxuu ku soo aadayaa Iyadoo Xalay Waqooga Magaalada Gaalkacyo lagu Dilay Macalin Kenyaan ahaa oo lagu magacaabi jiray Kenet islamarkaana bare ka ahaa Collage lagu magacaabo Kishan.
buy Sildalis online cheap, clomid reviews. 10296848_10152380974342403_372443253373714979_n

You must be logged in to post a comment Login