Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Howlgallo saaka ka soconaya degmada Xudur

Waxaa deggan xaaladda magaalada Xudur ee gobalka Bakool oo ay gudaha u galeen ciidanka dowladda oo ay kaashanayaan kuwa AMISOM.

Wararka ka imaanaya deegaanka Rabdhuuro ayaa sheegaya inay haawanayso oo aysan jirin cid ku sugan, waxaana dadka shacabka ah ay muujinayaan.

DHanka kale, waxaa saaka howlgallo ay ka soconayaan magaalada Xudur oo Alshabaab laga qabsaday sida ay xaqiijiyeen dad ku sugan magaaladaasi.

Sarkaalka mid ah saraakiisha dowladda ee gobalkaasi Bakool ayaa inoo sheegay in howlgalada ay yihiin kuwa lagu baadigoobayo Alshabaabkii magaalada ay ka saareen.

Waxaa sidoo kale uu xaqiijiyay in ciidanka dowladda iyo kuwa Itoobiya ay ku sii jeedaan degmada Waajid ee gobalka Bakool oo ay ku sugan yihiin Alshabaab.

You must be logged in to post a comment Login