Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

In kabadan 100-Xildhibaan oo doonaya in ay kamid noqdaan Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya(Warbixin)

Ra’izul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmar’ke oo dhawaan kala diray Golihii Wasiirada uu soo dhisay ayaa mar kale la kulmaya culeesyo badan oo kaga imaanaya Xildhibaanada Baarlamaanka oo intooda badan doonaya in ay kamid noqdaan Golaha Wasiirada.

Sida aan Wararka ku heleyno in kabadan 100-Xildhibaan oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u gudbiyay Ra’izul Wasaaraha Codsiyadooda ku aadan kamid noqoshada Golaha Wasiirada , waxa ayna Xildhibaanadan mid kasta oo kamid ah uu doonaya in uu helo Wasiir ama Wasiir kuxigeen. Kamagra Jelly without prescription, clomid without prescription.

Xafiiska Ra’izul Wasaaraha waxaa buuxdhaafiyay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya kuwaa oo saf dheer ugu jira kamid noqoshada Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya oo la filayo in uu soo dhiso R/Wasaare Cumar Cabdirashadiid.

Xildhibaanadan tirada badan ee doonaya in ay kamid noqdaan Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay arin caqabad horleh ku noqon doonta Raysalwasaaraha sidii u wada qancin lahaa xildhibaanada tiradda badan ee xilalka doonaya.

Xubinihii kamid ka ahaa Golihii Wasiirada ee lakala diray ayaa dhankooda orod ugu jira sidii ay mar kale Wasiiro ku noqon lahaayeen, waxaana Ra’izul Wasaaraha uu ku jahwareersan yahay soo dhisida Xukuumada Cusub.

Xildhibaan kasto oo kamid ah xubnaha doonaya in ay kamid noqdaan Golaha Wasiirada ayaa hadii uu iska waayo Xukuumada Cusub waxaa ka go’an in uu caqabad ku noqo Xukuumadaasi sidii ay u meel mari laheed kuna heli laheed kalsoonida Baarlamaanka Soomaaliya.

Dadka inta badan falanqeeya Arimaha Siyaasada Soomaaliya ayaa aaminsan in Ra’izul Wasaaraha xiligan horyaalaan caqabado adag , waxa ayna taa badalkeeda ku baaqeen kaliya in R/Wasaaraha uu ka gudbi karo caqabadaha adag in Golaha Wasiirada uu dhisayo uu dhaman kakeeno baaramanaka dibadiisa, si ay Xildhibaanada Baarlamaanka ugu wada qancaan ,balse hadii aysan taasi dhicin qaar kamid ah Xildhibaanada Wasiiro laga dhigo kuwa kalana loo diido waxa ay qabaan dadka falanqeeya Siyaasada in caqabada ay sii jireyso.

You must be logged in to post a comment Login