Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

INAA LILAAH WA INA ILEYHI RAAJICUUN ABWAAN SAHAL MACALIN CIISE OO GEERIYOODAY

imgres-1Illaah ha u naxariistee, INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAACUCUUN, waxaa shaleey galab magaalada Slough oo 25 mile jirta London ku geeriyooday abwaan Sahal Macalin Ciise oo ahaa abwaan si weyn looga yaqaanay geyiga Soomaaliyeed.

Sahal Macalin Ciise ayaa mudooyinkii ugu dambeeyayba ku xanuunsanaa dalka Ingiriiska isaga oo ugu dambeyntiina shaleey galab ku geeriyooday dalkan Britain.

Sahal Macalin Ciise ayaa ahaa udub dhexaadka fanka Maayga isaga oo sameeyay inta badan heesaha uu qaado fanaanka weyn ee Xasan Aadan Samatar iyo fanaaniin kale oo caan ah.

Abwaan Sahal Macalin Ciise ayaa waxa uu kaga duwanaa abwaaniinta kale inuu heesaha Soomaali Maxaatiriga iyo Maayga wada sameyn jiray.

Abwaanka ayaa ifka kaga tagay 6 caruur ah iyo xaas.

Guud ahaan howlwadeenada shabakada warbaahinta somalinimo1iyo horyaaltv iyo saafifilms waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii, ehelkii, asxaabtii iyo ummada Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday abwaanka.

Illaahna waxaan uga baryaynaa inuu Janadii Fardowso ahayd ka waraabsho, Aamiin, Aamiin, Aamiin
Waxii faahfaahin ah oo ku saabsan Aaska iyo ducada meydka fadlan kala xiriira

Tel:01753267449

You must be logged in to post a comment Login