Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Inka badan 8 Ruux oo u dhintay Biyo la’aan ka taagan Gobolka Hiiraan

DSC033161
Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Xaalad Nolol xumu laga dareemayo Degmooyinka Matabaan iyo Maxaas waxaana la sheegay in halkaasi ay Biyo la’aan iyo Haraad ay u geeriyoodeen ugu yaraan 11 Ruux.

Gudoomiyaha Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan ee Dowladda Soomaaliya Maxamed Cismaan Cabdi 11 Qof ay u dhinteen Haraad / Oon sida uu hadalka dhigay isagoona tilmaamay in arintan ay kulan ka yeelan doonaan.

Waxuu Maxamed Cismaan Cabdi sheegay in kulankooda looga hadli dooni Biyo la’aanta ka taagan Maxaas iyo Matabaan waxuuna sidoo kale xusay in laga hortagi doono si buu yiri aysan u dhiman kuwa kale.

Cumar Aadan Cilmi oo ah Duqa Magaalada Baladweye ayaa ugu dambeyn shaaca ka qaaday Degaano hoostaga Magaalada Baladweyne iyana laga soo sheegaya Biyo la’aan baahan isagoona ku baaqay in sida deg deg ah loogu guntado Dadkaasi.

You must be logged in to post a comment Login