Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Islaax oo Cambaareysay ka Qaybgalka Xasan Sheekh ee caleemo-saarkii Siisi

Viagra Plus buy online, zithromax reviews.  

Warsaxaafadeed maanta ay soo saartay Xarakada Islaax ee Somalia uuna ku saxiixan yahay guddoomiyaha ururka, Dr. Cali-Baashi Cumar Rooraaye ayaa lagu cambaareeyay ka qaybgalkii madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ee is-caleemo-saarkii madaxweynaha cusub ee Masar, C/fataax Al-Siisi.

“Shacabka Soomaaliyeed waa shacab jecel xorriyada, isla markaana neceb dulmiga, kalitaliska, xukun-maroorsiga iyo in dhiig loo daadiyo kursi dartiis. Shacabka Soomaaliyeed iyo shacabka Masar waa laba shacab oo walaalo ah, lehna xiriir qoto-dheer oo taariikhi ah kuna dhisan iskaashi iyo isu-hiillin,” ayay Islaax ku tiri warka ay soo saartay.

“Haddaba, Xarakada Islaax ee Soomaaliya waxay canbaaraynaysaa ka qayb-galka aan laga fiirsan ee madaxweyne Xasan Sheekh uu kaga qayb-galay is-caleemo saarkii C/fataax Al-Siisi oo talada Masar kula wareegay af-genbi iyo xasuuq uu u geystay kumanaan qof,” ayaa sidoo kale lagu yiri warsaxaafadeedka Islaax.

Islaax ayaa waxay warbixinteeda ku dartay in madaxweyne Xasan Sheekh uu ka qayb-galo is-caleemo-saar dhiig ka da’ayo waa shahaada-zuur aan la aqbali karin in madaxwaynaha Soomaaliyeed oo huwan sharafta ummadda Soomaaliyeed uu ka qayb-galo, waana arrin kasoo horjeedda mabadii’da iyo danaha ummadda.

Ugu dambeyn, bayaanka Islaax ayaa lagu yiri: “Haddaba, Islaax waxay booqashadan ayaan-darrada ah uga cudurdaaranayaa shacabka Masar ee aynu walaalaha nahay, shucuubta muslimiinta ah iyo dhammaanba ummadaha xorta ah ee jecel cadaaladda.

– See more at: http://www.hiiraan.com/news/2014/Jun/wararka_maanta9-46945.htm#sthash.PhJjGmP0.dpuf

You must be logged in to post a comment Login