Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

ITOOBIYA OO MARKII UGU HOREYSAY LAGU ARKAY CUDURKA HALISTA AH EE EBOLO

Untitled23-90x75Waxaa markii ugu horeysay la soo dhigay cusbitaalka Black Lion ee dakla Itoobiya dad dhiig afka iyo sanka ka socdo iyadoo markiiba la sheegay in dadkan cudurka Ebola haleelay iyado ilaa hada uu socdo baaritaan lagu wado dadkaas ayaa hadana xubno ka tirsan xukumada itoobiya sheegen Ebola dalka itoobiya inu so galay. order cardura online cheap, generic zithromax.

Wasaaradda caafimaadka ee xukuumada itoobiya ayaa sheegtay in shaqaale gaaraya 200 oo ruux ay u tababartay ka hortaga iyo xakamaynta cudurka Ebola oo laga cabsi qabo in uu soo gaaro dalalka ku yaala bariga Africa.

Tababarka la siiyay shaqaalahan caafimaad ayaa socday muddo 15-cisho ah, iyadoo loo diyaariyay qaabkii ay ku garan lahaayeen calaamadaha ruuxa qaba cudurka Ebola oo si xowli ah ugu fiday dalal ku yaala Africa.

Wasaarada caafimaadka Itoobiya ayaa sheegtay in qofka lagu garan karo in cudurkan uu qabo muddo u dhaxeysa 2 illa 21-cisho, iyadoo guud ahaan dalka laga bilaabay wacyi galinno la siinayo bulshada rayidka ah oo la xiriirta khatartiisa.

Sido Kale Waxaa la baarayaa qof walba oo kaso dagta garoonka Bole oo ah kan ugu caalamisan garoomada diyaaradaha Itoobiya looguna isticmaalka daban yahay, waxaana la hakiyay duulimaadyadii ka iman jiray dalalka lagu arkay xanuunkan.

Ugu danbeyntii khasaaraha dhimasho ee ka dhalatay cudurka Ebola ayaa sii kordhaysay maalmihii lasoo dhaafay, waxaana tirada dhimashada ay gaartay 1400 oo ruux oo ka soo kala jeeda wadamada kala ah Sere Leone, Liberia iyo Waliba Wadanka Ginue.

You must be logged in to post a comment Login