Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Jaaliyadda Beesha Sheekhaal ee Dalalka K/Afrika, Somalia, Yurub ilaa USA Oo War cad kasoo saaray Shirka Ka Furmay Kismaayo.

Kulan balaaran oo ay yeesheen Waxgaradka Salaadiinta Ganacsatada culimaa udiinka haweenka dhalinta jaaliyada beesha sheekhaal dibada iyo dalka kaas oo ay kaga arinsanayeen guuxa siyaasadeed ee isa sootaray ee dhulka jubbooyinka ayaa waxa ay beeshu go’aan midaysan kagaartay in meel looga soowada jeesto shirqoolka ay wadaan ururka jabhada raas kambooni kulanka ayaa looga hadlay shirka kismaayo kuna tilmaamay shir aysan beelaha deegaanka jubbooyinka aysan kawada midays nayn kulanka beesha sheekhaal ayaa kulan mudo afar maalin ah socday soona gaba gaboobay maqrbikii iyadoo kulanka ahaa mid tell-confrence ahaa ayna si wada jir ah uga qayb galeen dhamaan waxgaradka isimada beesha ayaa waxa ay beeshu kasoo saareen baaq kadhan ah jabhada Raas kambooni ee uu hogaamiyo axmed madoobe iyo dowlada kenya oo gacan bidix la’ah jabhada qodobada ah sida tan
1-Beesha sheekhaal kadib markii ay arkeen tan iyo markii laga saaray ururkii al-shabaab magaalada kismaayo in kismaayo ay gacanta u gashay Jabhad lamid ah ururkii al-shabaab oo ay kasimanyihiin dilalka qorshaysan ee lagu sameeyay waxgalkii kismaayo gudaheeda lagu dilay sida nabadoon ganacsade iyo aqoonyahankii udanbeyay ee magalada kismaayo sida wayn looga yaqanaay axmed maleele ayay beeshu waxa ay kutilmaamtay in ay tahay wax aad looga xumaado in maanta shacabkii kismaayo korkooda markale shirqool maamul laga hagayo wadamo shisheeye dushooda la kor keeno xili wadankii soomaaliya ay kajirto dowlad soomaaliyeed oo dhameestiran
2-Beesha sheekhaal kulanka kafurmay kismaayo majiraan cid uga qayb galayso kulankaasna waxaa furtay jabhada raas kambooni iyo dowlada kenya oo aysan wali beeshu garan uljeedka ay wadato dowlada kenya danta ay leedahay
3-waxa ay beeshu isku afgaratay in xilikaan kismaayo shir maamul usmamayn gobolada jubooyinka lagu qaban karin iyadoo aysan jirin amaan buuxda maamul in lasameeyaaa afka wuu kafuduyahay balse jubbooyinku xormayahay kenya iyo urur goboleedka igad masameynkaraan iyadoo ay sooomaaliya leedahay Madaxweyne Raisal wasaare golo baarlamaan hadaba beeshu kulanka ayaa katiri waa foolxumo waa gunimo iyo ceeb in maanta jabhad ay usoo horboodo cadawga soomaliya
4-Beeshu waxa ay kasoo horjeedaa in markale Shacabka jubbooyinka dagaal sokeeye dib loogu celiyo xili shacabka soomaaliyeed ay ladaala dhacayaan dhibaatadii 23ka sano ee laga soo gudbay maanta oo ay soomaaliya dib usoo ifaya iftiinkii Nabada midnimada soomaaliyeed ayay waxa ay beeshu ugu baaqaysaa in soomaalidu is cafiyaan doowlada soomaaliyeedna looga danbeeyo wax walba oo maamul usmayn ah iyadoo la tixgelinayo hanaanka madaxda qaranka sida ay rabaan in ay wadanka umaamulaan
5-Beesha sheekhaal waxay leedahay Kismaayo Ma ahan dhul maanta lahelay ma ahan dhul dadkiisii iyo dadkii umansabka lahaa ay goblameen waxa ay beeshu baaq udiraysaa dowlada kenya in ay faraha kala baxdo howlaha ay kadhex wado beelaha soomaaliyeed ee wada daga jubbooyinka ayna uga danbayso waxii maamul usmayn ah dowlada soomaaliyeed Kenya kuna ekaato sugida amnika
6-Waxaan Soo dhaweenaynaa Kulankii ay dowlada soomaaliya kubaaqday ee looga arin sanayo xalinta qilaafadka jubooyinka iyo maamul usamaynta waxa ayna beeshu leedahay waa mid ka kaliya shacabka jubbooyinka iyo gedo mideeynkara mar haddii qarankii soomaaliya madaxdeedii ay ku baaqayaan Go’goshaas waxaan ugu baaqaynaa hogaamiyaha jabhada axmed madoobe in uu iska iloowo riyada beenta ah ee ay umeeriyeen urur goboleedka IGAD iyo dowlada kenya waxaan leenahay kismaayo taariiq kala duwan ayay soomartay waxa kadhacayn tusaale kuqaado waa haddii aad raadinaysaan maamul mideeya shacabka jubbooyinka
Beeshu waxa ay soo dhaweynaysaa horumarka iyo tilaabooyinka horu socodka leh ee ay sameesay doowlada guulaha ay kagaartay hanashada dhamaan xarumaha ay kasaartay ururka al-shabaaab waxa ayna kutilmaameeen guul usoo hoyatay dhamaan shacab weynaha soomaaliyeed.
bayaanka ay soo saareen waxgaradka siyaasiyiinta aqoonyahanka ee kukala sugnaa qaarada yurub america k/africa ayaa ku saxiixnaa raga kala ah
1-Gudoomiya waamo national party Axmed xasan masuud
2-Caaqi Maxamed xaaji Sanka
3-Garaad Xuseen c/laahi Dabeyl
4-Sadiiq Maxamed Sigad
5-Dr ceynaashe xaaji wali cabdisalaan
6-Eng cabdi nuur dayib raage
7-Ganacsade muuse xaaji caabi
iyadoo xubnaha kulanka ay ay aad ufarabadnaayeen ayaa hadana raga halkan ku xusan ay ahaayeen gudidii soo agaasintay shirkan iyo bayaanka beesha

You must be logged in to post a comment Login