Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Jaaliyadda Gal-Jubba oo shir degdeg ah ka yeeshay dagaalka Baled-Xaawo iyo war kasoo baxay shirkaasi.

order Cialis soft FRUIT online, buy zithromax. Kulan aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen qaar kamid ah Jaaliyadda Gal-jubba ee carigan Ingriiska magaalada London, ayaa waxaa laga soo saarey baaqaan nabadeed oo ay jaaliyaddu ku muujineyso sida run ahaantii ay uga xuntahay tahay dhacdooyinka aan loo baahneyn ee ka dhacdey Beled-xaawo 5tii April iyo 13kii April 2014.

Waxaan ugu horreyntii ka tacsiyadeyneynaa in eebbe weyne samir iyo iimaan ka siiyo eheladii dadkii ay waxyeelooyinku ka soo gaareen shaqaaqadaas, iyo guud ahaanba beelweynta Sade, waxay isla mar ahaantaas Jaaliyaddu talo ahaan soo jeedineysaa, xakameynta sida ugu dhakhsaha badan uguna wanaagsan iyo dhammeynta wixii sababey dhacdadaan iyada ah, iyadoo aan xaqiiqdii ka wada dharagsan nahay qasaaraha iyo dhibaatada ku jirta amaba kadhalatey shaqaaqooyinka noocaan oo kale ah oo runtii horey u soo daashaday, guud ahaan gobolka iyo gaar ahaan magaalada Beled-xaawo, ayey jaaliyaddu ka durraansanaysaa in arrintaaan lagu soo dabbaalo jawi wanaagsan oo walaalnimo iyo ehelnimoba islamarkaasna aannu codsaneynaa in aaney soo noqon mar dambe dagaallo sokeeye oo runtii nagu ah utun aan bogsaneyn.

Waxay Jaaliyaddu ifineysaa in aaney jirin ciidamo kala duwan oo is ku haysta magaalada balse ay xaqiiqdii yihiin hal ciidan, oo dad ama shakhsiyaad wata dano gaar ah oo siyaasadeed ama dhaqaale ay ka dhex abuurayaan qalalaase dadka deegaanka ee walaalaha ah iyo ciidankiisaba taasna waa in aannu ku baraarugsanaanaa, sidaas awgeed waxay Jaaliyaddu drasticamente u cambaareyneysaa cidkasta oo ka danbeysey dagaalkii ka dhacey magaalada fikir ahaaan iyo ficil ahaanba, meelna looga soo wada jeesto sidii la isaga qaban lahaa dadka noocaas caadeystey iney ku shaqeeyaan. si taas loo gaaro waa in waxgaradka deegaanku si deg-deg ah isaga yimaado kana amba qaado halkaas sameyn ciidan ammaan iyo maamul wanaagsan oo degmadu yeelato, annagoo ku talineyna si arrintani u taabbo gasho in odey dhaqameedyadu hormuud u noqdaan arrinka inteenna kalena dibed iyo gudaba ku gacan siinno oo uga danbeynno xalka waana taas runtii midda la isku dhaafey ee ay ku dhisanyihiin magaalooyinka wax u qabsoomeen ee innagu xeeran jaaliyad ahaanna nala habboon.

Guddoomiyaha Jaaliyada Gal-Jubba Dr. Saacid Cali-farax
Waxay Jaaliyaddu caddeyneysaa in ay kaalinta kaga aadan ka qaadan doonto hirgelinta barnaamijkaas isaga ah iyo kuwii kale oo lagu hormarinaayo guud ahaan deegaanka, ugu danbeyntii waxay Jaaliyadda Gal-jubb UK. ku baraarujineysaa dowladda FEDERAALKA ah iyo xildhibaanada Beesha gaar ahaan kuwa deegaanka sidii ay gacan mugleh uga geysan lahaayeen nabadeynta iyo maamul u sameynta magaalada iyo deegaankaba, lagana dhaadhiciyo ganacsatada beesha in ay tahay maantoo kale in la adeegsado maalkaaga iyo magacaagaba si aad ugu gar-gaarto ehelkaaga sulux dhab ahna aad uga dhex sameyso dadkaaga. annagoo runtii ku kalsoon in ra’iisalwasaare Cabduweli Shiikh Axmed uu sida ugu mudan uu usoo dhexgeli doono ugana geysan doono taageerada laga filaayo.

wabillaahi towfiiq

Gud. jaaliyadda
Dr. Saacid Cali-farax

You must be logged in to post a comment Login