Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Jabuuti oo xabsiga dhigtay xubno hor leh oo ka tirsan qoyska duuliye Fu’aad

Muqdisho–Dowladda Jabuuti ayaa xabsiga u taxaabtay xubno ka tirsan qoyska duuliye Fu’aad Yuusuf Cali, xili ay socdaan banaanbaxyo xoog leh oo looga soo horjeedo tacadiga lagula kacay duuliyaha.

Xaaska duuliyaha oo u warantay idaacada BBC laanteeda Af-Soomaaliga ayaa xaqiijisay inay dowladdu xirtay gabar 16-jir ah oo uu dhalay duuliyaha iyo seddax gabdhood oo kale oo uu Abti u yahay.

Xariga xubnahan ka tirsan qoyskiisa ayaa imanaya kadib markii banaanbaxyo xoog leh ay ka dhaceen gudaha Jabuuti, midaasi oo dhalisay in dowladdu ay xabsiga ku gurto xubnahaasi.

Sidoo kale dad badan oo ka tirsanaa banaanbaxayaasha kasoo horjeeda xariga iyo cadaalad darrada uu tirsanayo duuliye Fu’aad ayaa shalay iyo maantaba xabsiga loo taxaabay.

Xaalad deganaan ah oo aan cago badan ku taagneyn ayaa saakay laga soo sheegayaa dalka Jabuuti waxaana awood ciidan lagu hor istaagay dibadbaxyo ka dhashay xariga duuliyaha oo ku faaafay gudaha dalka Jabuuti.

You must be logged in to post a comment Login