Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Jawaari oo ka hadlay weerarkii

buy Cialis online, order zithromax.

Ku-Simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ka hadlayey qaraxii ay kooxaha argagaxisada ee Baarlamaanka ayaa yiri “Kooxahan nabad-diidka ah marnaba nagama leexinayaan hadafkeena ah inaan dalka gaarsiino horumar oo ah waxa ay diidan yihiin.”

Saakay abaarihii 1130 ayaa baabuur walxaha qarxa ka buuxa isku qarxiyey afaafka Xarunta Baarlamaanka. Ciidanka Soomaaliyeed ayaa ku guuleystay inay kooxahan ka hor-istaagaan kuna laayey goobta una u diiday inay geystaan khasaare weyn.

Ku-Simaha Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan qoysaska iyo ehelada intii ku geeriyootay falkan argagaxisada. Waxaana EEBBE uga baryayaa inuu janadii fardowsa ka waraabiyo. Sidoo kale inta dhaawaca ah waxaan EEBBE uga baryayaa inuu caafimaad waara siiyo.

“Hay’adaha amniga ayaa ku howlan qiimeynta khasaaraha dhabta ah, oo warbaahinta loo soo gudbin doono marka la soo dhameystiro qiimeyntan iyadoo faahfaahsan.

“Waxaan aad uga mahad-celinyaa sida geesinimada iyo deg-deg ah oo ay uga jawaabeen weerarka Ciidamadd Dowladda Soomaaliyeed iyo Ciidanka AMISOM. Waxaan qirayaa in Ciidanku waajibiisa si wanaasgan uga soo baxay.

“Kooxahan Argagaxisada ah ayaa caadeystay inay falal argagax ah ka sameeyaan goobaha dadka rayidku ku badan yahay. Iyagoo og in ammaanka xarunta Baarlamaanka uu aad u adag-yahay ayey si minitidnimo ah isagu qarxiyeen afaafka si ay adduunka ugu sheegaan inay weerareen baarlamaanka. Waddada Maka Al-Mukarama oo ah waddada ugu mashquulsan ayaa waxaa halkaas qasaare ka soo gaaray dad badan oo meesha marayey.”

Dowladda waxaa ka go’an inay la dagaalanto kooxahan oo waqtigooda sii dhammaanayo. Waxaana socda howlgaladii kooxahan argagaxisada looga sifeynayey dalka oo dhan. Ciidankii maanta hor-istaagay kooxahan argagaxisadana waxey naga mudan yihiin ammaan iyo dhiirigelin.

You must be logged in to post a comment Login