Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Jawaari oo kulan la Qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Talyaaniga

2014417635333173875272957IMG_6031-1

2014417635333172863629780IMG_6009

2014417635333173136976468IMG_5944

2014417635333173679872043IMG_5977-1

2014417635333173431119477IMG_5968 — Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wafdigiisa ayaa kulan xalay kula qaatay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas.

Kulanka oo ka dhacay hoteel ku dhow dhismaha safaaradda Soomaaliya ee Rome ayaa waxaa kasoo qeybgalay Jaaliyadda Soomaaliyeed oo iyagu ka kala yimid gobollada kala duwan ee Talyaaniga iyadoo ugu horreynna ay ka hadleen xubnaha Jaaliyadda, kuwaasoo muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin inay la kulmaan guddoomiyaha baarlamaanka iyo wafdigiisa.

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Talyaaniga, danjire Muuse Xasan oo isaguna hadal kooban ka jeediyay kulanka ayaa ugu horreyn ku ammaanay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Talyaaniga sida ay u soo dhaweeyaan isla markaana ay safaaradda ula shaqeeyaan si wanaagsan, isagoo dhanka kale ballan-qaaday inay safaaraddu ka shaqeyn doonto wax ka qabashada dhibaatooyinka dalkan ay kala kulmaan Soomaalida.
2014417635333173679872043IMG_5977-1

You must be logged in to post a comment Login