Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Jaziiradda Malta iyo Dowladda Soomaaliya Oo wada Galay Heshiis dhanka Dadka Magangalyo doonka ah.

Brand Cialis for sale, cheap dapoxetine.

Dalka Jaziiradda Malta iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xiriir dhanka Dadka Magangalyo doonka ah ee ku sii qulqulaya Jaziiradda Malta, waxaa ay heshiis uga gaareen Magaalada Athens ee dalka Giriiga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Jaziiradda Malta Goerge Vella iyo Safiirka Dowladda Soomaaliya ee dalka Giriiga ayaa heshiiskaan labada dhinac u kala saxiixay, waxaana heshiiskaani uu dhigayaa sidii Jaziiradda Malta ay runta uga ogaan lahayd Sil-siladda Muhaajiriinta ah ee dalkeeda dhinaca Xeebaha uga soo qulqulaya.

Heshiiskaan ayaa imaanaya iyadoo Muhaajiriinta faraha badan ee kusii qul qulaya Dalka Jaziiradda Malta ee ka kala imaanaya Waddamada Caalamka ay u badan yihiin Soomaali, islamarkaasina haatan Jaziiradda Malta ay ku sugan yihiin Qoxooti Soomaaliyeed oo aad u fara badan.

Laakiin ilaa hadda wasaaradda arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya wax war ah kama soo bixin oo ku aaddan heshiiskaan ay kala saxiixdeen Waddamada Jaziiradda Malta iyo Soomaaliya.

ugu dambayntii heshiiskaan ayaa sahli doona in si wanaagsan loola dhaqmo magangalyo doonka Soomaaliyeed ee gaaraya Dalka Jaziiradda Malta iyo kuwa hadda ku sugan.

You must be logged in to post a comment Login