Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Keating oo markii ugu horeysay hanjabaad kulul u diray DF

Wakiilada Beesha caalamka ka jooga Somalia, ayaa wali ku adkeysanaaya in doorashada dalka ay u dhacdo sida ay iyaga u rabaan haddii uu isbedel imaadana ay dib ula laaban doonaan dadaaladii ay ku garab taagnaayen Somalia.

Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Danjire Michael Keating, ayaa sheegay in DFS aysan u nugleen dadaalada ay wado QM.

Michael waxa uu sheegay in QM ay ka qajileyso in faragalin toos ah ay ku sameyso Siyaasada iyo arrimaha doorashada Somalia, balse haddii uu arrinku sidaa noqdo ay lamahuraan tahay in faragalin muuqda ay ku sameeyan hanaanka doorasho.

Michael waxa uu carab dhabay in QM ay Somalia la dooneyso horumar iyo amni, balse madaxda Soomaalidu ay yihiin kuwo ku taamaaya in Somalia ay dib ugu laabato dhowrkii sano ee tagay.

Michael waxa uu si carro leh uga digay in DFS ay baalmarto qodobada ay la saxiixdeen, isaga oo dhanka kale ku goodiyay in faragalin toos ah ay ku sameyn doonaan Somalia, waa haddii aan isbedel degdeg ah laga dareemin Hanaanka suuragalin kara doorasho cadalad ah.

Haddalka Michael ayaa imaanaya xili madaxtooyada Somalia iyo baarlamaanka dalka ku dhiiranayaan in dib-u-dhac lagu sameeyo doorashada.

You must be logged in to post a comment Login