Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Kenya oo amar culus dul dhigtay Qaxootiga Somalida ee Magaaloyinka

buy clomid online without prescription, clomid online.

Forzest no rx, buy lioresal. Penegra online, purchase lioresal.

Dowladda Kenya ayaa amartay in Qaxootiga Somalida ee dalka Kenya ku nool, gaar ahaan kuwa ku nool Magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi inay tagaan Xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya.

Hadalkaan ayaa waxaa sheegay Wasiirka Arimaha gudaha dalka Kenya Joseph Nkaissery, xilli uu ka hadlaayay Xaflad lagu maamuusaayay Maalinta Qaxootiga Aduunka.

Waxa uu sheegay Qaxootiga ku nool Magaalooyinka waaweyn ee dalka Kenya inay ku xaadiraan Xeryaha Dhadhaab, maadaama qorshaha Kenya Dhadhaab ay ku xireyso uu soo dhaw yahay.

Kenya ayaa ku adkeysanaysa in Bisha November ee sanadkaan albaabada ay u laabayso Xerada Dhadhaab oo ay ku jiraan kumanaan ruux oo Somaliyed.

Wasiirka Arimaha Gudaha Kenya ayaa sheegay Dhadhaab inaysan mar dambe ganbaad u noqon doonin Ururka Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Dib u celinta Qaxootiga Somalida ee dalka Kenya ayuu sheegay in loo maraayo heshiiskii saddex Geesoodka ahaa ee UNHCR, Kenya iyo Dowladda Somaliya dhexmaray.

Qaxootiga ku nool Magaalooyinka waaweyn ayaa lagu qiyaasay 100,000 waxaana la sheegay in inta badan ay ku nool yihiin Magaalada Caasimada ah ee Nairobi.

You must be logged in to post a comment Login