Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Kenya oo deg deg ugu yeertay madaxda maamul gobolleedyada Somalia

 

September 10, 20190

Warar ayaa sheegaya in madaxtooyada Nairobi u yeertay Madaxda Maamul Gobolleedyada Soomaaliya.

Fariin loo diray Madaxda Jubbaland,Galmudug iyo Puntland ayaa la sheegay in laga codsaday ka soo qeyb galka shir deg deg ah.

Shirkaan waxaa casuumaadiisa bixiyey Madaxweyne Kenyatta,waxaana la sheegayaa inay arrimo xasaasi ah ka wada hadli doonaan.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in isna Nairobi uu dhawaan tegi doono madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo Kenyatta waayahaan xukuumada Hargeysa uu naas nuujin gaar ah siinayey soona dhaweysanayey.

Wasaarada arrimaha dibada Kenya wax door ah kuma laha Shirkaan islamarkaana laga yaabo dhawaan in xilka qaadis lagu sameeyo haweeneyda lagu magacaabo Monica Juma.

Warar ayaa sheegaya in Uhuru Kenyatta uu a dalban doono madaxda uu la shirayo sidii wada shaqeyn dhaw ula yeelan lahaa,tiir iyo tigaadna ugu noqon lahaayeen arinta muranka badda ee Soomaaliya kala dhaxyesa,oo bisha November dacwadeeda la dhageysan doono.

You must be logged in to post a comment Login