Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Kenya oo ka hadashay joogitaanka ciidankooda….

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay sii joogi doonaan dalka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibedda Kenya, Aamina Maxamed oo la hadashay VOA-da ayaa sheegtay in Kenya aaney ciidankeeda ka soo saari doonin Soomaaliya ayadoo markaas uga jawaabeysa weerarrada Shabaab dalkeeda ku qaadaan.

Waxay sheegtay in Kenya marnaba aaney cabsi galin karin kooxo argagixiso ah balse waxay sheegtay in ay u baahan tahay in lagala qeybgalo dagaalka lagula jirro kooxahaas oo khatar ku ah gobalka oo dhan.

Wasiirka arrimaha dibedda Kenya ayaa xustay in weerarrada ka dhaca Kenya aaney ka dambeyn kooxo argagixiso ah balse ay jiraan kooxo siyaasiyiin maxali ah kuwaasoo xiriir la leh kooxda Al-Shabaab waxaana socda ayey tiri baaritaan.

Waxay sheegtay dowladeeda in ay ka go’an tahay siddii ay gacan u siin lahayd dowladda fedaraalka iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM kuwaasoo dagaallo ba’an kula jira kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, Kenya ayaa tan iyo markii ciidankeeda gudaha ugaleen Soomaaliya waxay la kulmeysay weerarro xooggan oo kaga immaanaya Al-Shabaab, balse madaxweynaha Kenya wuxuu lee yahay weerarradii ugu dambeeyay waxaa ku lug leh siyaasiyiin maxali ah. order Brand Cialis online, order zithromax.

You must be logged in to post a comment Login