Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Kenya oo sheegtay in Kenya oo sheegtay aysan ka tanaasuli doonin taako dhulkeeda ka mid ah

Khamiis, Feberaayo, 21, 2019 (HOL)- Wasiirka arrimaha dibadda dalka Kenya ayaa sheegtay in dowladda Kenya marnaba diyaar u aheyn waqtigan in ay uga tanaasusho dowlad kasta ha ahaatee taako ka mid ah dhulkeeda, gaar ahaan marka la eego dhul baddeedka lagu muransan yahay.

Madaxweynaha dalka Kenya ayaa Uhuru Kenyatta ayaa maanta shir guddoomiyay kulan golaha Wasiirrada oo qeyb ka mid lagu soo qaaday khilaafka labada dowladdood.

Wasiirka arrimaha dibadda Kenya ayaa sheegtay in ay Soomaaliya ka doonayaa faah faahin ka badan jawaabta ay ka bixiyeen cabashada Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaa jawaab kooban ka bixisay cabashada dowladda Kenya gaar ahaan shirkii 8dii bishan lagu qabtay magaalada London oo ay Kenya sheegtay in lagu beec-geeyay shidaalka ku jira qeyb ka mid ah xadduud baddeedka lagu muransan yahay.

Kenya ayaa Sabtidii aynu soo dhaafnay sheegtay in ay xiriirkii Diblomaasiyadeed u jartay dowladda Soomaaliya iyadoo dalkeeda ka soo saartay safiirkii Soomaaliya una yeeratay safiirkeedii ka joogay Muqdisho. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiiraan.com

You must be logged in to post a comment Login