Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Kenya oo u dhaaratay Al-Shabaab kaddib markii dad badan laga laayay

acquire tadalafil, Zoloft withoutprescription.

Ugu yaraan 50 qof ayaa ku dhimmatay weerarka oo socday in ka badan shan saac sidda ay lee yihiin dadka deeganka.

Kooxda weerarka soo qaaday ayaa gubay, labo hotel, Bangi, saldhig boolis iyo goobo kale oo ki yaalla deeganka Mbakatoni.

Madaxweynaha Kenya ayaa xusay in Kenya ay iska difaaceyso kooxaha argagixisada ee soo weerara dalkiisa.

Wuxuu sheegay oo kale in marnaba aaney cafin doonin kooxda weerarkaas geestay.

Waa weerarkii labaad oo dad badan lagu laayo oo ka dhaco Kenya tan iyo markii ciidankeeda ay u dirtay Soomaaliya seddax sanno ka hor kuwaasoo gacan siinaya ciidamada AMISOM ee la dagaallamaya Al-Shabaab.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka lagu qaaday deeganka Mbakatoni waxaana ay sheegeen in ay ugu aargudayeen culimo lagi dilay magaalada Mombasa.

Wakaalada wararka somalimedia.co.uk

Xafiiska Nairobi 

Email : info@somalimedia.co.uk

You must be logged in to post a comment Login