Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Kenya oo xirtay xadka ay la wadaagto Soomaaliya

June 11, 2019

Nairobi  – Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xirtay xadka ay la wadaagto wadanka Soomaaliya xilli ay socdaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ciidamada dalkaasi ay ka fulinayaan gobolka waqooyi bari.

Mudo aan la cayimin ayuu xirnaan doonaa xadka, ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda Kenya, iyadoo intaasi ku dartay inay u furnaan doonto oo kaliya ciidamada howlgalka wada.

Taliyaha ciidamada Booliska gobolka Lamu, ee dalka Kenya Muchangi Kioi ayaa xusay in qofkii jebiya amarkan uu lumin doono ruqsadiisa ganacsi sidoo kalena uu muteysan doono xarig.

Xeritaankan xadka ayaa yimid todobaad kadib markii dowladda Kenya ay joojisay howlihii kalluumeysiga ee xeebaha ku dhaw Soomaaliya, sababo la xiriira dhinac amaanka.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Kenya wadaan howlgallo roondo ah oo ay ku xaqiijinayaan inuu dhaqan galay amarka lagu xiray xuduuda Soomaaliya iyo Kenya.

Booliska ayaa uga digay ganacsatada inay ku xad-gudbaan go’aanka lagau xiray xadka, iyo inay kala gudbiyaan alaabaha ganacsiga ee isaga kala gooshi jiray magaalooyinka dhaca labada dhinaca ee xadka.

Kenya ayaa waxaa ka dhacay weeraro tan iyo markii ciidamadeeda u soo tallaabeen Soomaaliya sanadkii 2011-kii.

You must be logged in to post a comment Login