Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Kenya oo xustay sanad-guuradii 2-aad ee markii ay qabsatay koonfurta Soomaaliya

imgres

Nairobi (Somalinimo1 Online) Dalka Kenya waxaa shaleey laga xusay sannad guuradii labaad ee ka soo wareegtay markii ciidanka Kenya ee KDF ay gudaha ugaleen Soomaaliya sannadkii 2011-ka.

Kenya waxa ay lee dahay waan sii joogi doonaa dalka Soomaaliya ilaa inta laga ciribtiraayo wax ay ugu yeertay kooxo caqabad ku ah arrimaha ammaanka Kenya.

Afhayeen u hadlay ciidanka Kenya Syros Oguna oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidanka Kenya ay sii joogi doonaan Soomaaliya ilaa inta la baabinaayo kooxda Al-Shabaab oo dhowr jeer weerar ku qaaday gudaha Kenya.

“Howsha aan u tagnay Somalia meel fiican ayey mareysaa waana sii wadi doonaa ilaa inta dadka Soomaalid ay u baahan yihiin ciidankeena” ayuu yiri afhayeenka ciidanka Kenya.

Ciidanka Kenya markii ay soo galayeen Soomaaliya, waxa ay lahaayeen waxaan la dagaalameenaa kooxda Al-Shabaab balse sannad kaddib waxaa lagu daray howgalka midowga Afrika AMISOM ee Soomaaliya.

Waxa ay gacanta ku dhigeen Kismaayo oo ahayd magaallo muhiim ah oo ku taalla koonfurta Soomaaliya.

Si kastaba, qar ka mid ah dadka ku sugan Kismaayo ayaa soo dhaweeyay imaashiyaha ciidanka Kenya, balse waxaan jirin is dhxgal u dhexeeyoa bulshada Soomaaliyeed ee ki nool Kismaayo iyo ciidamada Kenya ee ku sugan magaalada.

Waxaa dhinaca kale jirra dad badan oo ka soo jeeda Jubbooyinka oo ku dooddaya in ciidanka Kenya ay la safteen garab ka mid ah kooxaha isku haya Kismaayo.

Somalinimo1 Online

Xafiiska Wararka Nairobi

info@somalinimo1.com

You must be logged in to post a comment Login