Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Khasaaraha Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee Muqdisho iyo cida lala beegsaday

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxii xooganaa ee goordhow ka dhacay meel udhow xarunta UNDP ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxan ayaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, waxaana lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamada Amisom.

Gaariga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu waday ruux ismiidaamiyay ayaa abaaray mid kamid ah Gaadiidka AMisom, waxaana ka dhashay qasaaro xoogan.
Waxaa la arkayaa Gaarigii Amisom oo dhinac kamid ah uu gubanayo lamana oga qasaaraha baaxada leh ee gaaray ciidamada Amison iga oo gaarigaas isku gadaameen sababo laxiira inaan la ogaanin qasaaraha gaaray.
Waxaa sidoo kale naloo sheegay inuu dhintay Wiil yar oo Caruurta caseeyayaasha ah iyo Nin kusugnaa dukaan yar oo ka agdhawaa halka qaraxa uu ka dhacay.
Ilaa 10 Ruux ayaa dhaawacooda loola cararay Isbitaalka, iyadoo laga cabsi qabo in qasaaraha dhimashada iyo kan dhaawaca ah inuu intaas ka bato.
Ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom ayaa kusugan halka qaraxa uu ka dhacay, sidoo kale waxaa lasoo sheegayaa inay goobta gaareen xubno kale oo dowlada Soomaaliya ah.
Wararkii soo Kordha dib kala soco somalinimo1.com Insha Allah

You must be logged in to post a comment Login